Berito waa maalinta lagu kala baxaayo tartanka musharaxiinta xisbiga kulmiye madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa wixii beri ka dambeeyana waxaa lagu dhawaaqi donaa cida ku guuleysatey.
Waxaa la saadalinayaa in gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka qaranka somaliland ee imika mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici ay wataan inta badan golaha dhexe.
Guushu waa muuse iyo saylici oo noqonaaya beri wixii ka dambeeya musharaxiinta musdaqbalka u tartamidoona 2017 ee noqonaaya madaxda hogaamindoonta dalka somaliland bacda silaanyo oo ah muuse biixi cabdi iyo mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaciil saylici.
Xabaalba waxaa lagu ridaa cidii ku horeysay dalkana waxaa mudan iney hogaamiyaan saylici iyo muuse beri waa maalintii guusha ,beri waa maalintii farxada,beri waa maalintii shacabka somaliland ay ku farxilahaayeen .
Golaha dhexe waxaan ku buurinayaa waa inaad doorataan muuse biixi cabdi iyo mudane cabdiraxmaan cabdilahi saylici waayo? Waa niman masuul ah waa niman dalkan jecel waa niman dulqaadle waa niman wax maamulikara waa niman khibrad hogaanle waa kuwii loo baahnaa ee dadkeenu ay baahnayeen kana saari lahaa dhibaatada dhaqaale ee haysta umadeena waa niman ku haboon iney dalka hogaanka u qabtaan.
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.