Published:

Munaasibada Balaadhan oo Kulmisay Bahda Cadaalada Wasiirada Xukuumada iyo Musharaxiinta Kulmiye ku dhex tartamaya Loona Soo agaasimahay Si heer saraysa ayaa Wasiirada iyo ku xigeenadu xilalka Kula Kala waregeen,waxaana goob-joog ka ahaa Haay’addaha Dhinac Cadaalada Ka caawiya Wasaarada iyo Taliyayaasha Badaha iyo Asluubta Somaliland.

Agaasimaha Cadaalada Somaliland oo isagu Madasha ka hadlay ayaa ka shekeeyay Waxqabadka ay wasaaradu ku talaabsatay inta uu xilka hayay Xuseen Axmed Caydiid waxaana uu cadeeyay in Laga soo qaaday Seeska Lana Keenay Meel Laga arki kari in ay shaqaalaheedu tayaysiin yihiin Shaqadana laga rawaxo Labada Duhurnimo taas oo keentay in ay Wasaarada Noqoto mid tayaysan.

“Wasiirku inta uu xilka hayay waxa ay wasaaradu ku talaabsatay Horumar aad u wayn,wixii nooqabsoomay wada jir ayay noogu qabsoomeen,wasaarada waanu soo dhisnay,waxaanu gaadhsiinay Meel aanay wasaarada dalku gaadhin,Xuseen waa Shaqsi ku adag Xilka iyo shaqadaba intaan la joogayna waxaan ka faa’iday wax badan oo muhiim ah.

Agaasimah ayaa wasiir ku xigeenka iyo Wasiirkaba ku sagootiyay Qalbi Furan isaga oo ku hadlayay Afka Shaqaalaha ee wasaarada cadaalada somaliland waxaana uu cadeeyay in Wasiir Cadarena looga Baahan yahay sidii Xuseen Axmed Caydiid inuu shaqada halkaasi ka sii bilaabo.

Haay’addaha Lashaqeeya wasaarada ee Dhanka Cadaalada oo iyaguna Madasha Goob-joog ka ahaa Sagootiyayna Wasiir iyo ku xigeenkiisa ayaa cadeeyay in Shaqadu iyo sunaha dawlad-nimo yahay in Wasiirada la Badalo Si ay shaqadu u wanaagsanaato,iyaga oo Bisayl Shaqana u muujiyay wasiirka Cusub ee xilka la wareegaya.

News Related