Warar xog ogaal ah oo ka soo baxaaya magaalada borama ayaa waxay sheegayaan in suldaan wabar isku soo dhiibaaŷo wiikan ciidamada qaranka somaliland.By Ahmed jama ismail
Wararka ka imanaaya caasimada labaad ee borama ee dalka somaliland ayaa waxay sheegayaan in maalmahan soo socta uu isa soo dhiibaayo suldaan wabar kii galey tiinka,
Wararku waxay intaas ku darayaan in suldaan wabar waraabe qaniiney oo uu dhaawac yahay sidaasi darteed uuna haysan wax daawo ah caafimaadkiisuna uu halis ku jiro haddii aanan si dhaqso ah aan lagu daweyn.
Wararku waxay sheegayaan inuu ku dhuumaaleysanaayo 10 km ee ay reer koogu ka degaan dalka somaliland intaasina ay ciidamada qaranka somaliland ku wareegsanyihiin markaasi aaney jiri wado kale oo u banaan oo aan ka ahayn inuu isku soo dhiibo ciidamada somaliland.
Dawlada itoobiya wey kaga dhabaysay go,aankii ay ku gaadhay inay ka saarayso suldan wabar dalkeeda hadaan nahay shacabka reer awdal waan ku faraxsanahay go,aankaas.
Hadaan nahay dadka degan gobolada Awdal,salal iyo gabiley awalba waan ogeyn in suldan wabar iyo inta raacdayba aaney wax yeelayn galbeedka somaliland laakiin dadbaa moodaayey iney waxyihiin ee wakaase arka isaga oo riy aan geeska ridin ayuu isa soo dhiibayaa ee kuwii sacabka tumaayow wakaas suldaan wabar.