Published:

qabyaaladaWaxaynu ka wada dharagsanahay in ay qabyaaladu tahay tahay aafo Qaran ama wax xun oo dadka kala kexeeya, qof kasta oo Somali ahi meel kasataba ha joogee, hadii aad weydiiso qabyaalada waxa uu markaaba odhanayaa qabyaaladu waa wax xun oo cudur ku noqday dadkii oo dhan, gaar ahaan inta Somali sheegata, waxa uu qof waliba kugu raacayaa in ay haboon tahay in loo baahan yahay in la cidhib tiro oo dadka intii meel wada dagtaaba ay walaalo noqdaan waxna wada qaybsadaan si ay taasi meesha uga baxdo.
Ma jirto qof soomaaliyeed oo aanay taaban dhibaato qabiil si toos ah Iyo si aan toos ahaynaba. Waxaynu wada ognahay in colaad oo dhami ka bilaabanto qabyaalad huwan qab Iyo anigaa ku haboon, wax xukumi jiray, idinka badan, libaaxyo ahaan jiray, usoo dhintay ama u halgamay. Laba tusaale aynu soo qaadano
1- Somaliland wixii keenay dagaaladii sokeeye waxay ahayd qabyaalad, ilaahay baa mahad leh ka dul qaaday inkastoo imikaba ay taagan tahay qabyaaladu oo aan waxba la isu ogolayn. Beena maaha
2- Somalia maanta waxa u diiday inay samaystaan dawlad hagaagaan oo loo dhan yahay waxa weeye qabyaalad. Ilaahay ha ka dul qaado iyagana aamiin
Qabiilka hadii lagu eekaysiiyo sidii wanaagsanayd ee Ilaahay ugu talo galay ee ahayd in laysku garto, layskuna taageero qabiilka dhexdiisa may xumaateen, wax tar wayna way lahaan lahayd
Dadku ama somalidu sidaan fahmay intii aan joogay wadanka waxaan arkay inay qabiilka u haystaan in uu yahay imisaa dawlada kuugu jira, imisa  Wasiir baad leedahay, imisa Wasiir ku xigeen ama agaasimayaal. Bal is weydii hadaba inta xil dawladeed qabatay ee qabiilkii uu ka yimid wax u taray. Jawaabtu waa maya, wax tar daayoo waxa laga yaabaa inuu magacii reerka uu ka soo jeedo wax u dhimayba, waxan aaminsanahay in inta xilka iyo mansabka la siiyaa aanay wadanka iyo ciduu ka soo jeedaba aanay waxba tarin aan ahayn shilimo yar oo aan iyagaba soo dhaafin oo weliba xaaraan ku ah if iyo aakhiraba
Waxa kale oo xusid mudan in lays weydiiyo hadii qabiilkaaga la siiyo  wax walba oo laysku haysto, sida hadii dawlada mansabyadeeda oo dhan loo dhiibo, ma ku heshiin karaan ama ku heshiin lahaayeen?. WAA MAYA
Hadii xaga diinta loo noqdo waxaan qabaa in ay dadku dhamaan walaaloobi lahaayeen waxna wada qabsan lahaayeen. Waa hadii lagu dhaqmi
Waxa mudan oo marmar maskaxdayda aan iska waydiiyaa.  Yaa dadka yidhi qabiil baa qabiil kale ka wanagsan ama ka mudan. Meel ay ka soo aroortay ama xadiis ama quraan leh qabiil baa qabiil kale ka mudan ama ka wanaagsan haday jirto ha la ii sheego ama ha la i saxo aniga. Waxaan ka ahayn”ina akramakum cinda laahi atqaakum” ma hayo. Oo ah kiina ugu wanaagsani waa ka ugu cabsida badan xaga alle.  Maxaa laysu yeelyeelayaa markaa
Hadaba yaa xaq u leh in uu u taliyo ummadda oo dhan? Waxa xaq u leh in ay u taliso cid walba ama qabiil walba, intooda wax qaban karta oo si cadaalad ah wax loo qaybsado oo aan cidna la quudhsan. Taasi ayuu xalku ku jiraa in cid waliba maamulkan laysku haysto ay ka muuqato haday tahay qabiil weyn iyo mid yarba. Inkastoo aan aaminsanahay in aan dadkeena ama dadka aan soo arkay aan qabyaalad wax loogu qaybin karinba hadana way dhaami lahayd xaaladaha hada ay ku jiraan somaliweyn meel kasta oo ay joogto ama wixii laysku odhan jiray 5ta somaliyeed
Aynu ku dayano wadamada jaar arkeenna ah sida Kenya ama Ethiopia ee leh boqolaalka qabiil ee weliba ku hadla boqolaal af oo kala duwan
Dadku ha u midoobaan danta guud ee Qaran oo ha ka waantoibaan qabiilaysiga. Sidaasaa buu ku jiraa horumarkeenu .
Qabiilismku wuxu inagu ridaa/riday tafaraaruq, danta guud oo laga hormariyo mid shaqsi, is aamin la aan, cabsi, gaajo Iyo tahriib oo dhalintii wadanku badaha ku dhamaadeen kadib markay rajo ku arki waayeen meeshii ay wax u barteen
Waxaase la Yaab leh inaad aragtaan badanka intii aqoon is bidaysay, intii diinta lahayd waanu baranay oo iyaguna imika aad arkayso inay noqdeen kuwa bahasha buunbuuniya iyadoo danahooda gaar ahaaneed ku qarinaaya ama wata dimiqraadiyad aan diintuba ogolayn.
Marka aad waxaas oo dhan qiimayso, miyaanay kuu muuqan dhibta qabyaaladi inagu hayso?
Iyo weliba in badan oo aanan halkan ku soo koobi karayn
Haddaba,markaynu ognahay in qabiilismku xumaantaas oo dhan huwan yahay, dhibaatadeedana aynu aragnay, miyayna haboonayn inaynu samaysan lahayn nidaamkii aynu kaga bixi lahayn, mise adiguna waxaad aamintay inaan wax laga qaban karayn. Ha aaminin inaan wax laga qaban karin. Waa laga qaban karaa oo waxa tusaale inoo ah labadii qabiil ee reer madiina ee 4 boqol oo sano dagaalamayay inay heshiiyeen, waxa heshiisiiyayna ay ahayd diinteena wanaagsan.
Hadaba walaalkayoow ama walaashayoow waynu karnaa inaynu badalno dhaqankaas xun ee aan qofna caad  ka saarnayn inuu umada ku noqday cancer
Halkee hadaba ku haboon yaase ku haboon inay arinkaas ka noqdaan kow inay bilawdo
Waxa ku haboon cid walba, waxa u mudan inta reer walba hor joogta ama aqoon yahan u ah, waxa laga bilaabayaa nin walba reerkooda ha ka bilaabo dabadeedna tii oo dadkii oo dhan la wacyi galiyay dabadeed si guud hawsha haloo galo. Iyo in qurbajoogta marka Hore iyaga laga wacyi galiyo waayo meelaha ugu badan ee laga naaxnaaxiyaa bahasha waa iyaga dabadeedna iyagu ay hawsha inta u badan qabtaan.
Dadka ha la wacyi galiyo oo ha loo sheego oo ha la fahansiiyo inaan qabiilkiisa uuna qabiil kale ka fiicnayn, tii oo la sababaynaayo, inta cuqdada soo jireenka ah la qaadsiiyayna halaga baabi’iyo oo halaga wacyi galiyo jaahilnimadaasi.
waa in aynu inagu iska bilowno oo aynu ka bilowno guryeheena oo aan aaninsanahay in kibirka Iyo cuqdada ilmaha ana dhalaanka lagaga soo ababiyo ilaa inta uu uu ka qaan gaadhayo, deedna qabiil hoosaadka lagu xugsiiyi, deedna qabiilka deedna ay noqoto nationwide
Waa in diinta iyo danta guud wax walba laga hor mariyo si horumar loo gaadho, oo qabiilka uu ka horeeyo wadanku.
Waa in la joojiyo is quudhsiga.
Waa in la joojiyo anaa kaa badan.
Waa in la joojiyo anagaa u mutacalimsan dadka.
Waa in la joojiyo anagaa u lacag badan dadka.
Waa in la joojiyo anaa ku xukumi jiray.
Waa in la joojiyo waxba ma xukumi kartid.
Waa la joojiyo magacyada qabiilka loo baxsho ee yasida ku salaysan
Waa in la joojiyo anagu geesiyo ayaanu nahay ama ahaan jirnay.
Waa in la joojiyo degaankaas aanu daganahay anagaa leh.
Jooji inaad qaadhaan lacageed ku bixiso dagaalo sokeeye.
Qaadhaankaagu ha noqdo mid horumarineed oo kaliya sida iskuulada, biyaha iwm.
Jooji oo ha ka qayb galin shir qabiileedyada oo adigu iska bilow.
Ka hadh cid kasta oo buunbuunisa qabyaalada kuna qadhaabta.
La saaxiib inta qabiilismka neceb.
Taageer cid kasta oo wanaag wada.
Macaanka danta guud ka sheekee.
Qadhaadka iyo dhibaatada qabyaalada ka sheekee oo ka bilow caruurtaada iyo ehelkaaga iwm.
Waa in Dadku is dhex galo.
Waa in la kala guursado si laysugu soo dhawaado sida diintu ina bartay.
Waa in la is wada guursado waa lays wad gayaa, oo la dhaafo yasida ama odhaahda ah ma kala guursano ama maanu kala guursan jirin.
Waa in la joojiyo gabayada qabiilna lagu amaanayo mid hoos loogu dhigaayo ee kuwa tiriyay ama tiriyaa aanay ogayn khatarteeda.
Waa in la joojiyo kaftanka qabyaalada waayo qabiil lagu kaftamaa waa jinsiyad lagu kaftamo.
Reer galbeedba way iska joojisay, meelaha qaarna waa danbi laysku xidho ee inaguna aynu ku dayano. Iyagay ahayd inay inagu daydaane.
Wanaag Iyo isu soo dhawayn Iyo dhiirigalin horumarineed ka gabay oo ka buraanbur.
Waxaan aaminsanahay in gabayaagu dadkeena midayn karo oo ay wacyi galinta qayb wayn ka qaadan karaan oo dadka ha ka shubaan wixii kun qarin lagu shubay.
Tusaale usoo qaado gabaygii qabyaalada ee timacade oo caan ka ah dhulka Somali dagto oo dhan, laguna soo qaato meel wal oo soomaali isagu timaad ama lagaga hadlaayo QABYAALAD.
Siyaasiga oo qabyaalada u adeegsada sida baaruuda qoriga isagana waxaan odhan lahaa ka waantow oo qabkaagu ha dhaafo qabyaalad.
Iska dhig nin Qaran, iska dhig nin qaranka dhan kasban kara ana qabiilooyinka oo dhan kasban kara oo lagu soo hirto. Waxa hubaal ah inaad dadka oo dhan ku kasban karto qaranimo iyo cadaalad aad samayn doonto hadaad xilka hesho . Ogow ninka qabiilka ku shaqaystaa inaanu qaran xukumi karin.
Waxa alla wixii dadka kala fogaynaya jooji
Ogow qabiil waxa ka wayn oo Dan inoo wada ah qaran,ogowna in qof kastoo Somali ku hadlaa uu walaalkaa yahay, soona dhawayso.
La soco qaybta danbe
Ahmedyasin Mohamed Jama

News Related