Madama qaadhaan-bixiyayaashu Hakiyeen lacagtii lagu fulin lahaa Diwaangalinta waxay keenaysaa saadaal ah inay Doorashooyinku dib u dhacaan
Hargeysa(GNO) Qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka ayaa hakiyey ama aan bixin dhaqaalihii lagu qaban lahaa Diiwaangalinta ee ay hore ugu balanqaadeen, marka laga reebo kharashka ku baxay qalabka Diiwaangalinta ee dhawaan la keenay oo qayb ka ahaa balanqaadkii ku xidhnaa dhinaca Qaadhaan-bixiyayaasha.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaan wali ka hadal arrintan, hase yeeshee Ilo wareed u dhuun daloola hawlaha Komishanka ayaa sheegaya in uu walaac weyni ka soo food saaray arrintan, kadib markii ay ka waayeen dhaqaalihii hawsha lagu qaban lahaa, inkasta oo aan illaa hada la ogayn sababta ay qaadhaan-bixiyayaashu u bixin la’yihiin lacagta ay u balanqaadeen in Diiwaangalinta lagu qabto.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in la filayo dhawaan inay Dalka soo gaadhaan wafti ka socda Qaadhaan-bixiyayaasha, kuwaas oo la filayo inay Komishanka Doorashooyinka Somaliland kala xaajoodaan waxa keenay caqabada hortaala inay bixiyaan lacagta ay u hayeen hawshan.
Hay’addo Wadani ah ayaa dhawaan bilaabay ololaha wacyigalinta Diiwaangalinta, halka Komishankuna ka doonay qalabka, iyadoo ay tahay in la bilaabo hawsha Diiwaangalinta oo ay ku xidhan tahay inay Dalka Doorashooyin ka dhacaan ayaa hadana warkan sheegaya inaanay Komishanku ka helin qaadhaan-bixyayaasha lacagtii lagu fulin lahaa ay keenaysaa saadaal ah inay Doorashooyinku dib u dhici doonaan hadaan la fulin Diiwaangalinta.
Qaadhaan-bixiyayaasha ayaan iyagu dhankooda wali ka hadal sababta u baajiyeen lacagaha ay u hayaan Diiwaangalinta iyo Doorashooyinka oo lagu qiyaaso dhawr iyo toban Milyan oo Dollar, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola Qaadhaan-bixyayaasha ayaa sheegaya inay waftigooda imanayaa la socdaan Gar-naqsi la xidhiidha Qandaraasyada ay Komishanku bixiyeen inay ka qabaan Dood.
Dhawaan waxa Komishanka la kulmay wakiilka Midawga Yurub oo ah Qaadhaan-bixiyayaasha ugu balaadhan ee laga helo dhaqaalaha, waxaana la sheegay in uu u soo bandhigay xubnaha Komishanka caqabadaha la xidhiidha hawlaha dhinacooda ku xidhan, kuwaas oo la odhan karo waxay sabab u yihiin hakinta lacagtii Diiwaangalinta, wallow aan si rasmi ah loo ogayn kulankaas waxyaabaha ay kaga wadahadleen.
Caqabadan cusub ee u dhaxaysa Komishanka Doorashooyinka iyo Qaadhaan-bixiyayaasha waxa Doraad u kuur-galay Sadexda Xisbi Qaran, kuwaas oo la arkayey iyagoo isku duuban oo sii galaya xarunta Komishanka, hase yeeshee lama hubo go’aanka ay kala soo noqdeen Komishanka, waxase cad inay xog ka heleen sababaha loo tirinayo inay Qaadhaan-bixiyayaashu joojiyeen lacagtii ku xidhnay dhankooda.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa dhawr jeer oo hore ka hadlay inay Qaadhaan-bixiyayaashu isticmaalaan xogtii ay ka ururiyeen Diiwaangalintii Madaniga ahayd, isagoo dhawr jeer Eedo u jeediyey Qaadhaan-bixiyayaasha iyo Diiwaangalinta ay wadaan oo uu sheegay inay toodu ka mudan tahay.
Si kasta ha ahaatee hakinta lacagta Diiwaangalintu waxay keeni doontaa caqabad hor leh haddii aanay labada dhinac soo af-jarin ama aanay xalin waxa keenay.