Published:

Maxaad ka Og-tahay Taarikhda Faca-weyn ee General Cali Xuseen Qormadii 3aad

 Cali Xuseen waxa uu waxbarasho ku salaysan ciidan ahaan  siin jirtay ururada gobonimodoonka  .Xilli ku

dhowayd 1953kiiayaa Muj.Cali Xuseen iyo arday ilaa 16 ah laga siiyay deeq waxbarasho

magaalada Qaahira ee dalka Masaarida, halkaas oo uu ku galay dugsigii Sare, iyo heerkii

Jaamacadakoowaad. Ardayda aadka loo yaqaano ee ay Muj.Cali Xuseen wada tageen

Qaahira xilligaasi waxa ka mid ahaaAmbassadorCabdilaahi Kongo, Axmed Xassan

Muuse (hore wasiirSomaliyau ahaa),Axmed Maxamuud Faarax (IHUN).oo hore wasiir

dawladii Soomaliyaugaahaa, iyo Suldaan Cismaan Cali Kooshin. Waxa kale oo ku jiray

niman fara-badan oo Milaterigii heer sare ka gaadhay sida Dable Jaamac Xaaji Cilmi, iyo

Cabdulqaadir Cumar Askar(IHUN).

Markuu soo dhamaystay waxbarashadii jaamicada

heerka koowaad wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisii hooyo. Muj.Cali Xuseen wuxuu

xidigle ka bilaabay magaalada Hargeysa in yar uun ka dib markiixoriyada la qaatay ee uu

soo dhamaystay waxbarashadiisii heer Jaamacadeed isagoo markaasi aad u da’yar. Muj.Cali

wuxuu markaa  ku soo takhasusay aqoonta Isgaadhsiinta Ciidamada.Waxaa sidoo kale u

suurtogashay mudo ka dib inuu waxbarasho kale u tago dalkiiMidawga Sofiyeet

(Ruushka) la odhan jiray.Muj.Cali (IHUN) wuxuu markii hore ku takhasusay aqoonta

Isgaadhsiinta Ciidamada, hase yesshee  waxbarashadan  isku xigta ee uu u tagay dalkaa

Ruushka ayaa u suurtogalisay inuu degree labaad ku soo qaato  sida Ciidamada loo degaal

geliyo.Wuxuu  kasoo qaatay jaamacada Milateriga ee Ruushka ugu caansan lana yidhaa

Furuunsa iyo iskuul ciidamada lagu tababari jiray oo  Maraykan ku yaallay gobolka Texas

oo uu casharo gaagaaban ka qaatay wuxuu takhasuskiisii isu badalay oo uu khabiirku

noqday  habka dagaal gelinta ciidanka. Gen.Cali wuxuu ku hadli jiray Shanta luqadood ee

uu ku hadli jiray si wanaagsan waxaanaykala ahaayeen;

1. English 2. Arabic 3. Ruush 4. Talyaani5. Soomaali-

XoogsiTagistii Mujaahidka:

Sidaan korba ku xusnay  Muj.Cali Xuseen wuxuu xidigle ka

bilaabay magaalada Hargeysa in yar uun kadib markii xoriyada la qaatay ee uu soo

dhamaystay waxbarashadiisii heer Jaamacadeed isagoo markaasi aad u da’yar. Siday

dalacaadba dalacaad ugu gubinaysay  wuxuu gaadhay darajada Jeneraal.Waxaana u suurto

gashay  inuu isagoo sarkaal  sare oo ciidan ah  ka soo shaqeeyo  gobolo badan oo ka mid ah

dalkii la odhan jiray Somaliya.Wuxuu noloshiisa  ku qaatay  xero ciidan .Mujaahidku

wuxuu guulo la taaban karo ka soo hooyey dagaalkii 1964.Mujaahid GeneralCali Xuseen

waxaa kaloo khibradiisa iyo ruug cadaanimadiisa milaterinimolaga faa’iiday  berigii

dagaalkii 1977kii ee dhexmaray dawladiiSoomaaliya iyo dawladii Itoobiya .Mujaahidiinta

inuu ahaa raggii ugu waaweynaa qoladii dagaalka horkacaysay wataynaciidamadii

xoreeyay Qabri-dahare, Dhegax-buur, iyo qaarfarabadan ee markii danbena Jig-Jiga galay

ilaa duleedkaDiri-dhaba, ayaa xilligii dagaalkaasi uu Mujaahidku isagoo ciidan xoogleh

wata ayaa tuulo ay haysateen ciidankii Itoobiya uu kaga saaraytuuladaasi si la yaab leh, oo

gashay runtii taariikhda dadkaMilterinimada u kuur gala, oo ay ilaa maanta ku xasuusan la soco…

W/Q

Qaasim Abokor Cali

Hargeysa/somaliland

News Related