Maasadan oo ka Hadlaysa Booliska waxa Hal abuuray Abwaan Jaamac Faarax Yuusuf (Jaamac Xaad) Taariikhdu markay ahayd 11/7/2011, waxaanu manta kaga qayb qaadanayaa Xuska Maalinta Booliska ee 3 November 2015.
Abwaanka oo oo ilaahay Hibo u siiyey curinta Suugaanta kala duwan ayaa ah mu’alif suugaantiisa ku cabira aftahanimo iyo hal abaar Mawduuca uu ka hadlayo isla markaana culayska saara Danta bulshada iyo horumarka Qaranka.
Maansada oo dheer waa tan akhriste ee akhri oo dhuux
1. Hayaan iyo geedi socod
2. Adaan Hogo iyo diraac
3. Adaan Hadhsanoo dadaal
4. Intaa Hawl adag kujira
5. Boolis noo heeganow
6. Habeen dumay iyo dharaar
7. Dhaxan hawle iyo qabow
8. Dabaylaa adaan ka hoyan
9. Midkay Heegada da’daa
10. Ludiyo Hilibkiisa iyo
11. Dhamaan Huga qoysa ee
12. hoh iyo Marna aan ax odhan
13. Bilays gaadh noo hayow
14. Naftii geesiga u huray
15. Libtiyo Hanashada amniga
16. Nacab halistii bambiyo
17. Miinada lagu hoobta iyo
18. Hubiyo qarax baas sitoo
19. Dalkiyo Inuu heero shacab
20. Muskiyo Huliska ugu jira
21. Cadaw Kaan ka hamranee
22. Yaqaan Habka loo wajahe
23. illaah Hibo siiyay ee
24. Weer iyo Horror soo qabtow
25. Midkaa Hoorigiisa kulul
26. Wajiga Hinifkaa ka baxa
27. Marnaba nacab haysan Karin
28. dushiisana lagu hurdow
29. shacab kuu heelan baa
30. hareeraa kaa socdoo
31. adaa hor allee dociyo
32. gamcaa hodooda lee
33. gudoon hanbalyiyo salaan
34. dadkaagaa kuu han weyn
35. hawda kuu soo marsheen
36. Habdhaca maansada hogeed
37. Hal erey baan sii durkoo
38. Higaadii waan shedoo
39. Hirkuna waa mawjadii
40. Dhexee negahaakiskoo
41. Abwaan ma hilmaamayee
42. Halkani waa idaacadii
43. Raadyow hoobalee
44. Hurdow toosoo la soco
45. Dhegayso hanuuniyaha
46. Habeeyee waxaan kudaray
47. Dadwaynaha had iyo goor
48. Inay hodanimo dhergaan
49. Bilayska u hagar bexee
50. Hantida shacab dhawrayee
51. Habeenkii tuug dhiciyo
52. Halgaagaa maalin weyn
53. Haweenka taftood xadaa
54. Halkaa minid soo xidhee
55. Dalkiisu inuu hor maro
56. Yahay hamigiisuyee
57. Midhkaa hiyigu faroow
58. La’aantaa himilo qaran
59. Hubaashii may jirteen
60. Shacab kuu heelanbaa
61. Hareeraha kaa socdoo
62. Adaa hor allee duciyo
63. Gacmaha hoodooda lee
64. Gudoon hambalyiyo salaam
65. Dadkaagaa kuu hanwayn
66. Hawada kuu soo marsheen
67. Hurin baa kuu abtiya
68. Hormona waa seedigaa
69. Ini waa habaryartaa
70. Badh waa kuu habarwadaag
71. Hooyiyo aabaa ku dhalay
72. Dadkaa hilib kuugu yaal
73. Wadnaha haba dhiigga iyo
74. Halbawlaa beerka iyo
75. Halkaa sambabkaad ku taal
76. waxaad tahay lama huraan
77. Hugaad xidhantiyo mushahar
78. Waxaad ka heshaa bulshada
79. Horseedka amnaa tehee
80. Haddii uu dhaco khilaaf
81. Hadaad burmatoo dhex tahay
82. Habraa buuqiyo ciyaal
83. Adoon hadateelinayn
84. Adoon laad ku hurgufayn
85. Haraatida shacabka dhaaf
86. Rasaas hoos hawgu dhigin
87. Ka daa hoombaro sulaac
88. Waxay hinqisaa sharkee
89. Hadal naxariis u dheho
90. Hano maankooda oo
91. Hayal sami ugu adeeg
92. Waxay ka halaan halaan
93. Hibtaan weligaa ka dhawr
94. Xuquuqda u heegan noqo
95. Ilaali hal aadamaa
96. Hubka cadaw waxaan ahayn
97. Si aan hooyo loogu ridin
98. Si aan hablo loola dhicin
99. Si aan hanad loogu dilin
100. Waa inaad hubisaa bilays
101. Ha ridin naafada cadilan
102. u eeg maatadana hoos
103. Ha noqon hanfade bulshadu
104. Habaar ay kula kufaan
105. Halkaa idhiye tixaa
106. anoon hilinkood ka duwin
107. halaasi murtaan u dhigay
108. hibeeyee Maxamedow
109. Hadraawoow ila gorfee
110. Habdhaca maansada hogeed
111. Hal erey baan sii durkoo
112. Higaadii waan shedoo
113. Hirkuna waa mawjadii
114. Dhexee nagahaarkiskoo
115. Abwaan ma hilmaamayee
116. Halkani waa idaacadii
117. Raadyaw hoobaloo
118. Hurdow toosoo la soco
119. Dhegeyso hanuuniyaha
120. Habeeyaye waxaan ku daray
121. Haddaan umad xeer lahayn
122. Haddaanay dastuur lahayn
123. Haddaan sharcigu hagayn
124. Humaaga wixii ka gala
125. Haddaanay u lahayn halbeeg
126. Haddaan hareer loo socdiyo
127. Haddaan qorshe lagu hirtiyo
128. Haddaanay higsiba lahayn
129. Hadday ka hurdaan niyada
130. Hadday hayb iyo qabiil
131. Hadday ku hadaaqayaan
132. Hadday dhagar iyo haday
133. Dil uun u hamuumayaan
134. Hadday hunguri xumaan
135. Hadday u hindhaadhiraan
136. Hadday soor haybad dhaca
137. Hadday u hanqal taagayaan
138. Hadday ceeb lagu haftiyo
139. Xumaan u hashlaynayaan
140. Basharka hankiisa iyo
141. Hungay ka yihiin dadnimo
142. Hadal daaqsin geel u mari
143. Halyey garasha laa la yidhi
144. Haydalas qaansada u saar
145. Heelkiyo gurgurkeeda dhaw
146. Hadduu garan waayo saaf
147. Halkaa waxan uga socdaa
148. Haldoorku hadaanu talin
149. Haddaan dantu waa hurtilee