Published:

Jaalliyada Somalialnd ee Kassel Germany

Ujeedo: Bayaan

15.11.2015

 

Annaga oo ah Jaaliyada Somaliland ee Kassel Waxaanu Bulsho Waynta Reer Somaliland ee ku Dhaqan jarmalka ugu Caddaynayna in aanaan ka Qayb galin Shirka lagu kala Qaybinayo Jaalliyada Somaliland ee ka Dhacay Magaalada Stuttgart  isla markaana aanaan Aqoonsanayn Xubnaha Xilku madaxmaray ee ku Qadhaabsanaya Jaalliyada Guud.

Markaanu Wada Tashi ka Sameynay in Magacii Jaalliyada Somaliland si Qaldan looga Faa,iidaystay isla markaana Kursi Siyaasadeed lagu Raadinayo waxaanu Soo Saarnay Bayaankan  Soo Socda.

Markaanu aragnay Qodobadan hoos ku xusan.

  • Markaanu Aragnay In Magacii jaalliyada Si Qaldan looga Faa,iidaysanayo
  • Markaanu Aragnay in Xisbi Gaar ah Loogu Adeegayo
  • Markaanu aragnay In aanay jirin cid ay matalaan oo ah Gobol iyo degmaba.
  • Markaanu Aragnay in Dan gaar ah loogu Adeegayo
  • Markaanu Aragnay in Xisibi Gaar ahi Boqrayo Shaqsi Danayste ah.
  • Markaanu la Tashi la Samaynay Jaalliyada Gobollada Jarmalka oo dhan.

Waxaanu garanay in aanu bulshada ubayaamino in aanu Nadiif ka nahay Qudhunka ay walaaqanayaan Xubnahaasi Magaca Jaalliyada Guud ku Qadhaabanaya isla markaana aanu Marti galin doono Kullanka Jaalliyada Guud ee loo Dhanyahay kaasi oo 24-12-2015 ka dhici doona Magaalada Kassel.

Annaga oo Tixgalinayna Baaqii Jaalliyada Somaliland ee Gobolka Bayern München Waxaanu la Qaadanay in Kullankaasi Gogol Xaadhkiisa laga Wada Shaqeeyo isla markaana Lagu Doorto Jaalliyad Guud oo Xor ka ah Xisbi, Dan gaar ah iyo kala Qoqob Bulsho.

Waxaanu Taageeraynaa Shir kasta oo Dan u ah umadda Somaliland ee Midnimadooda kor uqaadaya ,annaga oo Dhawaan idiin soo Gudbin doono Guddi Doorasho oo ka kooban 16-ka Gobol eejarmalka kuwaasi ka wada shaqayn doono sidii Jarmalka looga dhisi lahaa Jaalliyad Balaadhan oo Matali karta isla markaana midayn karta.

 

Allaa Mahad leh

C/qaadir Aw Xasan Maxamuud.
Maamulka Jaaliyada Somaliland  Kassel, ee Gobolka Hessen Dalka Germany

bayaan

News Related