*
Muqdisho(GNO)Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay tira intaa ka badanna waa ay ku dh qaraxyo iyo tacshiirad xoog leh oo laga maqlayo dhismaha hoteelka Saxafi ee ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Weerarkan ayaa bilowday subaxnimadii hore ee saaka kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay albaabka hore ee hoteelka.
Waxaa xigay rasaas ay isdhaafsanayeen ciidammada ammaanka iyo kooxda weerrarka soo qaaday oo ay Al-Shabaab sheegeen in ay ka tirsan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka soo qaaday ay gudaha u galeen hoteelka halkaasi oo ilaa iyo haatan ay rasaas ka dhacayso.
Hoteelka ayaa waxaa inta badan fariista qaar ka mid ah xildhibaanada baaralamanka Soomaaliya, waxa uuna ku yaal goob ay ku yaalaan dhismayaal ay dowladdu leedahay oo aad loo ilaaliyo.
Weerrarkan ayaa imanaya maalin un kaddib dagaal ay dad badan ku dhinteen oo xarakada Al-Shabaab iyo ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ku dhex maray gobolka Bakool.