Published:

GORFAYN:Doorka Qurba joogga Somaliland:Siyaasada, dhaqaalaha iyo musuq maasuqa: Q5aad

 

W/Q: Maxamed Cabdikarim (M-Maarshaal)

mmaarshaal@hotmail.com

{Dhaqaale intee leeg ayay masuuliyiinta qurba joogga ah ee la magaacaabaa u diraan dibbaddaha? Doorka qurba joogga ee musuq maasuqa, tahriibka iyo qabyaaladda? Doorkii dhismaha iyo yagleelka qaranimadda Somaliland?.]

 

 

5.8: baratanka qurbaha ee masuuliyiinta dawladda

Warwarka iyo walbahaarka laga qabo ku noolaanshiyaha qarankani, waxa tusaale kooban kugu fillan, masuulka la magacaabo ama xil loo dhiibo ee waddanka degaanka ku ahi, waxa ugu horeeya ee maankiisa ku soo dhacaa,, waa sidii uu qoyskiisa u tahriibin lahaa, isagoo ka bilaabay afadiisa iyo ubadkiisa, waxa uu qabaa war war nololeed, war war dhaqaale, war war rajo iyo war war daganaanshiyo, ku darsoo waa kii loo doortay , inuu abuuro ididiilo, rajo iyo nololba, sababtuna waa marka ciddihii ka saraysay ay yihiin qaar ay maankooga ay buux dhaafisay waynaynta qurba joogga.

1.    Gabo Gabo iyo Tallo bixin

6.1: Gabo Gabo

 

Khilaafka, kala daadsanaanta, xifiltanka iyo u soo kala dheeraynta mansabyadda xukuumadda iyo waliba sheegashadda  cido gaara ah hadba guulaha ay qurbajoogu gaadhaan, waxay horseeday, in awoodii, isku duubnidii, sumcadii iyo cududii qurbajoogu lunto, oo ay u kala falfaliidhmaan darafyo, xaafado iyo ururo yar yar, waxa ku yimid hoos u dhac wayn halgankii ay ugu jireen iibgaynta qaranka, sababtuna waxay tahay:

1-    Adduun lacageed oo xaddi baddan oo laga soo urursaday qaranka kadbina lagu maal gashaday dibadaha ayaa keenay khilaaf dhaqaale oo soo dhexgalay qurba jooga.

2-    Qurbajooga oo aaminsanaa in dalkoogu yahay sabool, kana go’onayd inay waxtaraan waddankooga, ayaa dhaqaalaha adage ee laga soo boobay iyo soo dhawaymaha tiro beelka ah, iyo lacagaha qurbajoogga cido gaar ah la siinayo ay sababtay kal qaybsanaan wayn oo dhex timaada.

Tahriibka oo sare u kacay tan iyo dib ula soo noqoshadii Somaliland, iyadoo tiradii ugu badnayd ee dhalinyar ahina ay ku lee’atay badaha, ayaa  xafladahan qurba jooguna isa sii kaba raaciyeen huubihii hadhay.

6.2: Tallo Bixin

 

Inagoo raacayna shuruucaha inta baddan u yaala dunida ee jinsiyadaha, xakamaynaynana khilaaf ba’an oo qurba jooga ku yimaadda dhexdiisa sidoo kalena ka fikirayna sare u qaadidda dawllad wanaaga iyo dhiirigalinta bulsha waynta reer Somaliland, waxaa muhiim ah in:

  •  wax ka baddal iyo kaabid lagu sameeyo xeerka jinsiyadaha ee (Xeer Lr.22/2002).
  • In masuulka qurba jooga ah ee xil loo magacaabayaa daganaado 5 sano waddanka isaga iyo qoyskiisu, si ay xogogaal ugu noqdaan, heerka waxbarasho, caafimaad, dalxiis, nasasho iyo ciyaaraba
  • Si waddanku horumar balaadhan ugu talaabsado loona dhiiri galiyo in dadku ay waddankooga joogaan, hoosna loogu dhigo tahriibka, waa in masuulka qurba jooga ahi daganaadaa waddanka isaga iyo qoyskiisu
  • Si aanay u dhicin in masuulka qurba jooga ahi marka xilku ka dhamaado uu u huleelo waddankii ubadkiisa iyo noloshiisuba taalay ee uu sharcigiisa sitay, una dareemo qiimaha waddaniyada, waa in shuruudaha qofka xilka loo dhiibayo la qeexaa, si hufana loogga baaran dagaa
  • In la dhaqan galiyo Xeerka kahortagga ku tagrifalka hantida qaranka & ladagaalanka musuq maasuqa Xeer No.38/007
  • In la qeexo masuuliyadaha iyo waajibaadka xilalka ay dawladdu magacaabayso, si loo helo kala xadayn awoodeed, shaqooyinkuna u kala socdaan, la xisaabtankuna u fududaado
  • In la xoojiyo dawlad wanaaga, sharciguna uu noqdo ka damaanad qaadaya xuquuqaha muwaadiniinta si ay meesha uga baxdo, eexda, qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta bulshadu
  • In dib loo soo nooleeyo, midnimadii, jacaylkii iyo awoodii qurba joogga, si simana ay ugu yeeshaan xuquuq siman waddanka.
  • In hoos loo dhigo waxkasta oo dhiiri galin kara, in dhalinyaraddu sibiq dhaqaaqaan, holladaana inay u tahriibaan waddamo shisheeye
  • In dib loo nooleeyo waddaniyadda, laguna abuuro dhalinyaradda jacaylka waddanka iyo qiimahiisa, sidoo kalena loo raadiyo fursaddo loogu abuuri karo shaqooyin
  • In ay ka waantoobaan qurba jooggu, kala qaybinta bulshadda masaakinta ah, sidoo kale ay ka fogaadaan inay adduun lacageed ku bixiyaan hurrinta colladaha iyo daadashadda dhiiga walaalahood.

2.    TIXRAAC

_____________________________________

 http://moia.gov.in/services.aspx?ID1=300&id=m9&idp=59&mainid=23

http://www.egypt.iom.int/Doc/IOM%20Migration%20and%20Development%20in%20Egypt%20Facts%20and%20Figures%20(English).pdf

http://indiandiaspora.nic.in/mandate.htm

http://siteresources.worldbank.org/INTDIASPORA/Resources/AFR_Diaspora_FAQ.pdf

http://homecomingrevolution.com/blog/2013/10/10/african-diaspora-statistic/

https://en.wikipedia.org/wiki/Indian_nationality_law

 https://en.wikipedia.org/wiki/Remittances_to_India

 https://en.wikipedia.org/wiki/Convention_relating_to_the_Status_of_Refugees

https://en.wikipedia.org/wiki/Somali_diaspora

http://www.merit.unu.edu/refugee-diasporas-as-development-actors/

DHAMAAD

News Related