Published:

10801838_791854700849661_1148367391285403268_nWaxaan shaashadaha internetka ka daawanay ama ka aragnay dhacdooyin aad u murugo ah kuwaas oo ah gawaadhi iyo shicibkii oo dooxooyinka qaadaan ,hadday noqoto dooxooyinka u dhexeeya hargeysa iyo berbera iyo kuwa u dhexeeya borama iyo hargeysa ,marka hore wax yar aan ku tusaaleeyo sida nafta ama qof loo badbaadsho dunida horow  maray.
 
Waddamada horow maray ee aqoonta iyo dhaqaalaha ugu sareeya ayaa ugu horeeya xaga badbaadinta qofka marka masiibo dabeeci ah ama mid bini aadamba ku dhacdo dadka   ,sababta oo ah waxay had iyo jeer u tababaraan dad sida loo badbaadiyo dadka  marka masiibo degdeg ahi ku dhacaan ,mida kale waxaa aad iyo aad ugu qiimo badan nafta qofka bini aadamka umana ogolaadaan in qofkaasi ku naf waayo si dhib yar in kastoo naf waqtigeedii dhamaaday aanay joojin Karin,waana sababta keentay in dadka waddamada saboolka ah ugu soo qulqulayaan ama u soo tahriibayaan ,waxayna wadamaasi aamisan yihiin in qofku xaq u leeyahay waddamadooda ku nooli in la daryeelo dhinac kasta .
Haddii aan u soo laabto mawduucayga ama u jeedadayda  waxaa iga yaabsiiyey ee aan shaashada wararka ee websiteyada somalida ka arakay  gaadhi dadkii sida oo dhex  fadhiya daadkii dooxooyinka somaliland  oo dadku labada dhinac ama labada gebi ka taagan yihiin oo ila sheekaysanaaya oo aanad arkay qof wax gurmad ah dadkaas u samaynaaya ,waxay samaynayaan qaylo dhaadheer ma qaylaa dadka wax u qabanaysa waa maya in kasta oo aanay haysan wax qalab ay ku badbaadiyaan hadana waxaa loo baahan yahay dadaal ay sameeyaa ama fikir ay ku badbaadiyaan dadkaasi daadku qaadaayo ee dul taagan gawaadhida,waa in ay maskaxdu shaqaysaa oo ogaadaan in naftu bini aadamku aad u qaali tahay in kasta oo aanay cidina badbaadin Karin naf waqtigeedii dhamaaday ,waxay samayn karaan xadhig dheer oo wax culus ku xidhaan oo ay isla wadda qabtaan ama geed u dhaw dooxada xidhaan u tuuraan dadka dooxada ku taagan baabuurta si ay u soo qabsadaan xadhigaa.
haddaba maxaa la gudboon dawlada Somaliland in ay samayso ama shaqaalayso dad tababaran marka ay dhacdo masiibooyinka dabeeciga ah .waa in ay dadka gawaadhida wadda ay uga digtaa dhibaatadada dooxooyinka , in aanay u ogalaan maandooriye inta uu qofku gaadhiga wado ,in ay imtixaan ka qaado qofka liisanka  gaadhiga  qaadanaaya sida loo ga hortego haddii ay dhibi timaado d abeeci ah.waa in ay ganaax badan saartaa dirawalkii si aan nabad gelyo ah aan u wadin gaadhiga .
Maxaa la gudboon dirawalada gawaadhida ku wadda shicibka u kala gudbaaya magaalooyinka in ay wax walba uu ka horeeyo nabad gelyada shicibka ay sidaan ,waxaad arkaysaa daad cirkaa maraaya oo ay ku siidaynayaan baabuurtii ,ma garanaayo in ay maandoorshe qateen waayo?waxaad arkaysaa qof maskaxdiisu caafimaad qabto oo halista intaa leeg  u badheedhayo oo daadkaas ku dhextuurayaa naftii shicibkana halis gelinaaya waxaan u malaynayaa in ay dirawaldu qaataan maandooriye  waayo?ilaahay wuxuu inagu  dhex buuray cabsi  noole kasta oo aan ka cabsoono wixii halis gelinaaya ,laakiin haddii maskaxdu maqan tahay wax cabsi ah ma sameeyo qofku.
Gebobebadii iyo gunaanadkii marka hore dadka gawaadhida waddaa in ay qaataan xadhko aad u adag mar kasta oo ay safrayaan si ay u isticmaalaan haddii sidaasi ku dhacdo ,waxay samayn karaan inta xadhig aad u adag dhagax ama wax culus ku xidhaan in ay u tuuraan qofka daadka ku dul taagan iyagoo ka taxdiraaya in iyaguna ku siibtan daadkaas  in ay ogaadaan in ay qiimo leedahay naf kasta oo inaga mid ah in shicib iyo dirawalba iyo dawladuba adeegsadaan maskaxdooda sidii ay u badbaadin lahayeen qof kasta oo inaga mid ah,waxaase ugu mihiimsaan in dawladu samayso dad u tababaran badbaada haddii ay dhacdo masiibo dabeeci ahi ,samysaa tilifoon iyo gaadiid loogu gurmado dhibtaas oo kale,haddii kalse waxaa run noqonaysa marka la   leeyahay  maskaxda africaanku way hurudaa ma fikiraan…..
Waad mahadsan tihiin dhamaan intaad I amaahiseen maskaxdiina
Ali Abdi Farah
Fort  Mcmurray Alberta  canada

News Related