Waxaa la Wada Dareensanyahay Dhaliilaha ka daba yimid Darajooyinkii Ciidanka Booliska ee madaxweynuhu qorshihiisa lahaa waxaad arkaysaa Askar tiro badan oo ka mid ahaa 200 ee ka mid ahaa kuwii lagu bilaabay intii somaliland iyo kuwo ka mid ahaa saraakiishii soomaaliya oo waxay xaqa u lahaayeen aan la siinin arrintan ayaa weji gabax iyo niyad jab weyn oo Taliye Fadal uu kula dul dhacay ciidanka Booliska taasoo majaraha ka haleysay kala dabayntii ciidanka waana ta keentay in ciidanka booliska ee Somaliland isku dhaco gudihiisa .
Taliyaha Booliska ee Somaliland Cabdilaahi Fadal iimaan oo xilka kala wareegay Hogaanka Hawlaha ee ciidankaasi maxamuud cabdi godane oo ahaan jiray Hogaankii Hawlaha ee ciidankaasi wakhtigii dawladdii cigaal Taliyaha ciidanka ee mr fadal oo ahaa wakhtigaasi Taliyaha saldhiga dhexe ee Somaliland waxaanu Taliyaha Saldhignimadda uu kasoo fuulay Taliyaha saldhiga Iftin oo wakhti aan sidaa u sii dheerayn wakhtigaasi uu ahaa .
Wakhtigii uu ahaa Hogaanka Hawlaha ee Ciidanka Booliska ee Somaliland maxamuud cabdi godane waxay ciidanka booliska ee Somaliland ay si weyn ugu amaani jireen guulaha uu kasoo hooyay ciidanka booliska ee Somaliland habka daba galka danbiyaddda waxa uu ku ahaa khabiir in badan hagayay ciidanka Booliska ee Somaliland halka intii cabdilaahi fadal iimaan uu kala wareegay guuldaraayin waaweyn ayaa hadheeyay Haykalkii ciidanimo waxaanu xuquuqdoodii meel kaga dhacay Dad badan oo saraakiil ahaa kuwo ay isku dhaceen iyo kuwo kale oo ilaa maanta camal xumida Taliyahaasi aan aqoontiisu ku koobnayd TALIYE saldhignimo .
Maxamuud Cabdi Godane oo ay walaalo ahaayeen Axmed cabdi godane ayaa ka mid ahaa saraakiishii soomaaliya kana mid ahaa Jabhadii SNM ayaa ah mid ay si weyn u hadal hayaan ciidanka booliska ee Somaliland wakhtiyaddii xilka laga wareejiyayna waxa uu Aqoon jaamacadeed uu ku soo qaatay Dalka maraykanka waxaynu odhan karaa sida lagu tilmaamo shaqsiyadiisa waa nin ay madhantahay Danaysi gaar ahaaneed sida uu ku sifoobay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Wakhtigan xilka haysta oo qabyaalad ,eex,iyo ku tagri fal intaba ku sifoobay ayaa wakhtiyaddii danbena bilaabay qoysnimo hoose iyo inuu bahdii saxaafadda yidhaahdo ma jirto wax la yidhaahdo saadaal haddaba saadaashu waa faraha suxufiga malaha aqoon hagaagsan ma lihide ka waantow qoysnimadda hoose ee ad bilowday haddii kale waxaa hubaal ah inaanu dhamaan dadkii derejooyinka laga qadiyay inaanu mid mid u soo qori doono si madaxweynaha qaranku uu u akhristo iyadoo waadix ah oo cidna aan maanta ka qarsoonayn…………………………………………..
HARGEYSA
Somaliland
Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland website Journalists SLWJA