Marka hore xamdi alla iyo naxariis Eebbe. Marka xigga Hadraawi waxa laga hayaa, “Berdaa lagu kala neggaa, Dhexdoodii buu ka baxay, Bannaan baa layska helay, Falaadhuhu gun iyo baar, Bartii shiishkay hayaan, Biciidkuna wuu arkaa, Xaggee baa la beegsadaa, Badbaado miyay jirtaa?” dulucda fahamka tuducaasi waa qof iyo garashadii. Midda kale, horta Anigu ninka Xaglatoosiye la yidhaahdo isma naqaano ee adaacadahaan ka maqlaa, muraayadaha iskaa tustooyinka ahna waan ka arkaa, waxaanse leeyahay markii hore haddaad naanaysta Xaglatoosiye kula baxday dabiibka iyo dhakhtarnimadda, maantana siyaasadda waxaad ku heshay magac ka wayn kii hore, waxaana tahay “Dadtoosiye”.
Published: