KU: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOOMAALILAND
OG: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA JSL
OG: WASIIRKA GAASHAANDHIGA JSL
OG: TALIYAHA CIIDANKA QARANKA JSL
UJEEDO: CABASHO MUJAAHID XIDHAN ( MUJ: Aadan Maal Caqli)
Mudane madaxweyne waxaanu kaaga cabanaynaa in MUJAAHID AADAN MAAL CAQLI oo ku xidhan yahay jeelka weyn ee magaalada Hargeysa mujaahidkaas oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM isla markaana ka mid ahaa 11kii mujaahid ee uu hogaaminayay AHUN Mujaahid Ibraahim koodbuur ee Miiskii Sarakiisha ee ciidankii faqashta hadhka cad kala baxay Cornel C/laahi Askar weerarkaas oo dhabar jab ku noqday ciidamadii Faqashta.
Mujaahid Aadan Maal isagoo ku xidhan jeelka ayaa gurigiisii oo ahaa Guri dowladeed ayaa waxaa si qasab ah lagaga saaray xaaskiisii isla markaana waxaa gurigaa lagu wareejiyay Ganacsade Ina Harbi oo isaguna dib ku dhis ku sameeyay gurigii kuna wareejinaya Laybareeriga Gaandi.
Markii aanu meel walba marnay arinta gurigaa waxaa la noo sheegay in warqada ka saarida guriga ay xafiiskaaga ka soo baxday hadaba madaxweyne waxaanu kaa codsaneynaa inaad dib u eegtid arinta guriga Mujaahidkaas iyo xadhigiisaba.
Caaqil: C/raxmaan C/laahi Cali.
Odey: Maxamud Daauud Warsame
Aamina Maal C/laahi (xaaska Mujaahidka).
Email: mdwarsame@gmail.com