Published:

aadida ninbaa kula day dayi daalna kaa badan… oo inaad heshana aan doonahayn daa’in abidkaaye…dadkuna moodi duul wada socdoo wax u dahsoonayne.By ahmed jama ismail

Baryahan waxaa ka soo baxaaya gobolada galbeedka somaliland dad wasiiro ah oo hadana awood aaney ku lahayn goboladaas sheeganaaya somalidu waxay ku maah maahdaa nimaanan kuu furayn yaanu kuu rarin.

Wasiirkii hore ee gedoole wixii afkiisa ka soo baxay maalintii dhaweyd waxay ahayd hadal aan loo meeldayin oo uu iska yidhi laakiin waxaan ku odhanlahaa ha isku dhererin dadka aadan gaadhayn ee aad xag xagaynayso.

Wasiir hadaad joogto iyo hadaadan joogin midna laguma ogow oo waxaad tahaybaba iska yar,dhaqanka soomaalidu wuxuu ahaanjiray ninku markuu inan layaal yahay horta waxaa guuri jiray reerka uu gacalka layahay dabadeedna maalinta labaad waxaa loo soo celinjiray ratiga ama awrka si loogu raro inanlayaalkii markaa adigu sidaasbaad tahay waxaa lagugu qasbay casilaada ee waxaad ugu fadhido samaroon ama gobolka majirto ee bal is qiyaas halkaad taagantahay iyo waxaad tahay,waxaana kuu fiicnaan lahayd inaad iska aamusto.

Wasiir abgaal waa laba wajiile raba inuu burburiyo xisbiga kulmiye waayo? Wixii uu ka dhexlahaa caleemo saarkii suldaan fure maaha mid ku haboon wasiirnimada maaha mid ku haboon qarannimada wuxuu amaanay suldaan wabar oo ah qaran dumis, sharwade, qaswade ayaa wuxuu ku sheegay geesi inuu yahay ninkaasi ma taasbaa ah mid nin wasiir ahi ku sheekeeyo oo waliba sheeganaaya masuul sare .

Dawlada somaliland arintaas talaabo haka qaado weliba mid ku haboon wasiirka waayo? waxaan ognahay in wasiirku hoosta kala socdo xisbiyada macaaradka oo uu isticmalaayo wajiyo farabadan markaa waa iney ka fiirsataa xukumadu wasiir abgaal.

Wasiir abgaal haddii uu karaayo somaliland uu burburin lahaa laakiin awoodbuu u waayey waana ragii ka dambeeyey suldaan wabar ee lahaa waxbaan ku heleynaa ee orod bax si kuraasta la,inoogu biiriyo waa ninka waxaas aaminsan.

Hadalkii uu shaley ku hadlaayey wuxuu markhaati ka yahay laba wajiilaynta wasiir abgaal uu kula dhaxjiro dalka somaliland.

Wasiir abgaal ninka uu ku timaamaayo geesiga waa ninkii uu isagu dirsadey ee uu ku yidhi inoobax taasna waxaa cadeeyey hadladiisii shaley ee waxaan leenahay xukumada somaliland ha u fiirsato hadalka wasiirka hana kula xisaabtanto.

By ahmed jama ismail
Ahmed999@hotmail.com

News Related