Published:

 

Ceerigaabo(GNO) Masuuliyiinta gobolka Sanaag ayaa markii u horaysay ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee sababtay dhaawaca dad ra’yid ah kadib markii booliska iyo dad shacab ah oo dibad baxayaa iska hor yimaadeen.

Taliye qaybeedka gobolka ayaa sheegaya in rag hubaysani soo dhex mareen shacabka islamarkaana booliska rasaaseeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in hub culus oo ay raggaasi rideen sababay qaar ka mid ah dhaawaca dadka, balse waxgaradka degaanku waxay hore u sheegeen in dad aan hubaysnayn boolisku rasaaseeyay.

Badhasaab kuxigeenka gobolka ayaa isna bulshada ugu baaqay inay tixgaliyaan ciidamada habeenkii iyo maalintiiba u soo jeeda ammaanka jawiga Ceerigaabo oo qabaw. Wuxuu sheegay in bulshadu sharaf ku leedahay ciidamada amniga gudaha iyo xuduudaha ilaalinaya, isagoo sheegay in Ceerigaabo wakhtigan horumar ka socdo, balse aanay u baahnayn colaad.

News Related