Published:

image-resizer.phpHargeysa(GNO) Warar aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan Wasaarada amniga Qaranka Somaliya ayaa sheegaya in wasaaradu ay isha la raaceyso qaar kamid ah goobaha ganacsiga ugu waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xogta ayaa sheegeysa in wakiilo gaar ah oo ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ay goobaha ugu waaweyn Muqdisho bil waliba ka qaadan Cashuur, iyadoona ay dawlada Soamliyana  iminka kusoo baraarugtay arrintaasi.

Ciidamo dhar cad oo loogu tallo galay dabagalka arrintaasi ayaa iminka laga howlgaliyay qeeybaha lagu tuhmaayo in Al-shabaabka ay ka uruuriyaan canshuurtaasi, waxaana la tilmaamayaa in ilaa iyo hadda goobahaasi laga warqabo ay gaadhayaan 43 goobo ganacsi.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in wasaarada amniga ay ku howlan tahay qaabkii ay goobahaasi kusoo galin laheyd gacanta Dowlada, waxaana la tilmaamayaa in qaarkood ay lacagahaasi ku diraan EVC, halka qaarkoodna ay ka qaadan xubno Maleeshiyada ay usoo xil saaratay.

Geesta kale, Maleeshiyada Al-shabaab ayaa DF Somalia kala dagaalameysa dhan waliba, waxa ayna dadku yihiin kuwa si aad ah uga  cabsada Al-shabaab sababo la xidhiidha Dowlada oo aan amaankooda sugi karin.

News Related