Published:

  • Boorama(Haldoornews)- Ciyaartii galabta ee Dhex martay labada Gobol ee Gabiley iyo saaxil oo ahayd mid ay maanta dad badan waa sugayeen daawashadeeda iyo sida loo kala guulaysto.
    ciyaartan oo ahayd mid uu gobol kastaa doonayey in uu badiyo ayaa waxaa labada gobol ay ciyaareen ciyaar aad u adag, oo dhankastaa uu iska ilaalinayey markii ay ciyaartu bilaabantay in wax gool ay kala dhaliyaan.
    waxaana markii ay ciyaargu waxoogay socotay goolkii koobaad ku furay xulka gobolka cagaaran ee gabiley oo uu u dhaliyey goolkii koowaad ciyaaryahanka mukhtaar messi , markii ay hadana ciyaartu waxoogay socotay waxaa u labeeyey oo goolkii labaad dhaliyey isla mukhtaar messi.

waxaa sidoo kale gool saddexaad u dhaliyey ciyaaryahanka cumar cali, taasi oo noqotay mid ka sii farxiya xulka gobolka gabiley iyo ciyaaryahanadiisa iyo guud ahaan shacabkiisa, taasi oo mooraal jab ku noqotay xulka gobolka saaxil oo iyagu aan ilaa wakhtiaasi waxba dhashan.

markii ay ciyaartu ku dhawdahay gabo gabo ayaa waxaa goolkii affraad u saxeexay ciyaaryahanka sharmaarke ilka dahable oo ciyaarta ka dhigtay gabiley 4 :0 saaxil ah, waxaasi daqiiqadihii u dambeeyey ay gobolka saaxil keensadeen goolkii koowaad oo ay isaga masaxeen eberkii u yaalay meesha.
ciyaartan ayey dad badan saadaalinayeen in ay xulka gabiley badin doonaan maadaama oo aan la dhayalsan karin.

 

Haldoornews.com

Hargeysa office

contact@haldoornews.com

 

News Related