Published:

 

Sida aad wada ogsoontihiin; Doorashadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo Ku Guuleystey, waxa uu adeegsadey siyaasad saddex geesood ah; Geeska Koowaad oo ahaa nimankii ay soo wada halgameen ee SNM; Geeska Labaad oo ah niman maal qabneeno ah oo ka tirsan ururka Al-islaax ee gacansaarka la leh ururda Alshabaab iyo Al-Qaacida;Garabka saddexaad oo u badan dad-qol-qol joog iyo qurba-joog aan macno badan laheyn-caadifada qabiilkuna ay aad ugu badantahey oo kolba dhan u ciira.

Haddaba; markii muddo la wada socdey, taladii wadankana la hantiyey, waxa timid in saddexdaa gees ee kala aragtida duwan ay wada socon kari waayaan, mar walbana uu khilaaf joogta ah ka dhex aloosan yahey.

Xulafo-socodkaasi waxa uu jahawareer galiyey dadkii rayidka ahaa oo la jaanqaadi kari waayey hawlaha dawlada, isla markaana waxa adkaatey in shacabku ay fahmi kari waayaan meesha sartu ka qudhunsantahey.

Kadib; markii ay soo dhowaadeen doorashooyinka dhici doona bisha saddexaad ee 2017 iyo shirweynihii Kulmiye oo dhici doona 10/Nov/2015, waxa madaxweyne Siilaanyo ku adkaatey in saddexdaa xulafo uu dib u wada hantiyo, maadaama qaar kamid ah garabka diinta dacwado iyo eedeymo joogta ah uga yimaadeen wadamada dariska ee Ethiopia iyo Djibouti oo qaraxyo xoogan ka dhaceen. Sidoo kale waxa ku adkaatey in uu ku qanco qol-qol joogta iyo qurba joogta jibeysan ee aan siyaasada ku qaan-gaadhin, kuwaas oo beelihii dhex roorey, tacadiyaad badana geystey isla markaana kuwaasoo ka hor keeney beelihii darafyada ee galbeedka (Wabar) iyo Bariga. Waxa kale oo laf-dhuun gashey ku noqdey garabkii SNM oo abaal tirsanaya, laakiin aan shacbiyad ku laheyn shacabka Somaliland ama Garabkaas SNM oo godobo iyo xasuuq hore laga tirsanayo isla markaana shirqoolo dadban laggu tuhunsanyahey ilaa maantana dad badana oo qurbaha joogana ay dacwado ka geeyeen ICC, Amnesty iyo ururada xuquuqul insaanka.

Arin marka uu halkaa marayo, Silanyo waxa uu doorbidey in uu raaco garabka SNM, maadaama labadii garab ee kale ay noqdeen ‘qarxis iyo qabiil’. Laakiinse waxa muuqata in garabkan SNM uu ku jiheeyo jid madaw iyo khasaarihii hore ee uu kala soo kulmey SNM, maadaama SNM dhiigii ay galeen weli qoyan-yahey, dagaalo jabhadeysana ay wadanka u horseedaan.

Sidaas awgeed waxa talo ah in Siilaanyo abuuro garab afaraad oo kasban kara dhaayaha iyo dhegaha shacabka si wadanku u badbaado. Hadii madaxweynuhu taladaas diido waxa hubaal ah in wadanku galo dagaal qabiil, mid aargoosi iyo mid argagaxiso.

Hadaba su’aashu waxa ay tahey garabkaas afraad yuu noqon karaa? Maxaase laggaga doorbidi karaa saddexda garab ee aan maanta xisbina lagga soo dhaweyneen?

Jawaabta oo kooban waa Talo Qaran iyo in Shirweynaha Kulmiye Dib loo dhigo, isla markaana in gogol nabadeed iyo mid saami-qeybsi loo fidiyo dhamaan darafyada ishaya, sida! Maamul goboleedka Awdal, maamul goboleedka Khatumo, Salaadiinta Beelaha, Xisbiyada, Baarlamaanka, Guurtida, golayaasha degaanka, madasha qaranka iwm. Sidoo kale in madaxweynaha iyo dhamaan shicibka u tudhaya qaranimada Somaliland ay ku bixiyaan gogoshaas kharashka ugu badan abid deetana lagalo Axdi qarameed cusub (Hiigsiga Cusub ee Somaliland 2016 ama Somaliland NewDeal 2016)….Sidaas hadaan la yeelin waa dagaal dabo dheeraada arinku.…..

Wa Bilaahi Tawfiiq

Qore: A.H.A
Nin Kuu Digey Kuma Dilin (Alaahum Balaqtu)

News Related