Xirsi oo Facebook Boga uu ku leeyahay ku Cadeeyey u is casilaadiisa+Tirada is casilaysa oo ku Dhaw 10 Wasiir
XIL KA TAGIS…
Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka.
Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd.
Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey.
Alla Mahad leh
Wa Bilaahi Tawfiiq