Siyaasaddu waxay leedahay bisayn iyo waayo aragnimo ku qotontaa khibrad, xeel-dheeranimo ku taxaaluqda inaad daweyn karto nabarrada kasoo gaadha waqtiga gulufku laba siyaasi ama koox kala afkaar duwan ka dhexeeyo. Ninka Siyaasiga ahii, waa Ninka aan laga dareemin cadho ama colaad mutaxan, hase-yeeshe qofka sheegan karaa Siyaasii rug cadaa ah, Bulshadu si fiican ayey uu kala taqaana, maxaa yeelay, waa Daawadayaasha laacdanka Siyaasiyiinta isku hayaa mansabyada masiirka ummadda.
Haddaba, waxan maanta is-barbar dhig ku sammeyn doona la shaqsi oo muddo dagaal hoose oo Siyaasadeed ka dhexeeyey, iskuna garbinaayey u kala dhowaanshaha Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba hamuunta hoggaaminta tallada dalku leedahay. Ficiltan muddo shan sanno iyo dheerad ka dhexeeyey labadan wasiir oo kala hayey xilalka Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi wasiirka Duulista iyo hawada Maxamuud Xashi, waxay isla soo geleen Dagaal siyaasadeed oo qabow iyo mid kululba, Waxanay ahaayeen laba nin oo mid-ba midka kale aanu jecleyn libinta u gaadho mid Qaran iyo shaqsiba. Dagaalkoodas siyaasadeed waxa uu ahaa mid raaf dhaqaajis ah oo ayaar ayaar usoo shaac baxayey, waxan’se u kala qaadi doonaa midba, qaabka uu dagaalka ku wajahaayey aan ku horrayno Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi.
Xirsi waxa uu dagaalka maxamuud Xaashi marar badan usoo mariyey dacaayado Warbaahintiisa gaar ah, sidoo kale-na mararka qaar waabuu ka hadli jiray xafiltankooda. Eereyo badan oo wasiir Xirsi Warbaahintiisa uu mariyey maxamuud xaashi waxay keentan in markiiba si dhib yar Bulshadu uu fahanto in labad Masuul ee Dawladda ka wada-tirsani is hayaan. Xirsi Cali X Xasan waxa uu ahaa Nin amaan jecel waxanu Xukuumadda ama golaha Wasiiradda ku lahaa koox gaar ah oo isaga amaaradiisa ku shaqeysaa, Xirsi waxa uu ahaa nin deg-deg badan. Waxa uu dooni jiray inuu libin kasta oo Xukuumaddu gaadho isagu gadh-wadeen ka ahaaddo amaanteeda. Xulufadiisu waxay ahaayeen kuwa isaga wax walba la socodsiiya wax khuseeya iyo wax kale-ba, sidaas oo ay tahay Maxamuud xaashi waxa uu arki jiray Cadow ku googosha la jiifa, isagoo uu sibir-saara inuu Maxamuud Xaashi yahay ninka keliyaa ee ku qabsan karaa awoodda dheeraadka ah ee uu haystay, taasina waxay ku keliftay inuu Dagaal dad-ban iyo mid toos ah-ba ku qaado ina Xaashi, Xirsi waxa uu Xilkiisa Wasiirnimo ahaa mid ay uga horreyen laba xil oo keliya oo kala ahaa Xubinimadii Koomashanka oo muddo gaaban kaddib, laga takhaalusiyey markii uu la fahmi waayey shaqadii, waxanu shaqo ka fadhisinta awgeed u galay xabsi isagoo lagusoo qabtay Xaalad dagaal oo uu baabur kurta ka jaray. sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa Xil u magacaabay Xirsi markii uu tallada dalka qabtay isagoo u dhiibay xil aan hore somaliland usoo marin kaasoo ahaa Cheif of Capinet.
Teeda kale, Maxamuud Xaashi, waxa uu ahaa ninku socda booska Xirsi muddo badan ku baanayey inuu qabsan doono booska Xirsi. Haddana waxa uu dagaalkiisu ahaa mid qabow, waxanu aaminsanaa inuu ka siyaasisan yahay, Wasiirkii hore ee Duulistu waxa uu ahaa nin Siyaasadda kusoo jiray muddo, isagoo soo qabtay xilal badan oo heer qaran ah, Siyaasadana kasoo bilaabay Maayirkii Burco ee ugu horreeyey intii Somaliland jirtay, waxanu nasiib u helay inuu ahaa Maayirkii dhigay googoshii dhidibada loogu taagay Somaliland, sidoo kale-na, waxa uu noqday Xildhibaankii bedelay Markii Muj, Siilaanyo ka baxay golaha wakiiladda. Maxamuud Xaashi waxa uu ahaa Nin Siyaasad kulul lasoo ciyaaray ruug cadaagii Maxamd X Ibraahin Cigaal oo ay Siyaasadda si weyn iskaga soo hor-jeeden, Maxamuud Xaashi marar badan waxa uu goloyaasha kaga faana inuu yahay Muj,walow aanu sheegin guutooyinka uu ka midka ahaa.
Sidaasi daraadeed, Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda iyo kan maanta cusubi waxa la odhaan karaa waxay ku kala guuleysteen waayo aragnimo ay is dheer yihiin, maadaama oo ay waqti xaadirkan kala hoggaaminaayen labada garab ee ku kala adkaaday xafiltanka Siyaasadeed Xisbiga Kulmiye. Isagoo Maxamuud Xaashi ahaa ninka keliyaa ee Muuse Bixi ka dhiman waayey marar badan oo hore iyo imikaba walow uu jiro wax ay ku sharaakooben oo ah inuu Maxamuud Xaashi Mustaqbalka ka dhaxlo Xisbiga Kulmiye isagoo maanta gaadhsiiyey Xisbiga in Kooto loogu xidho Muj Muuse Bixi. Geesta kale Xirsi waxa uu hoggaaminta Xisbiga ee Muuse Bixi u arkaayey in aan faa’iddo Siyaasadeed iyo mid kale toona ugu jirin isaga, sidaasi daradeedna waxa uu watay Saaxibkiisa ay iswada-casileen ee Maxamed Bixi oo ay shurug ku ahaayeen waxyaabo badan. Isku soo wada-duubo Ciyaartii ka dhexeysay garabyada Kulmiye waxay ahayd mid aakhirul-licibka kusoo arooreysay labadan nin ee aan soo sheegnay, waxanaynu odhan kartaa waxay ku kala badiyeen waayo aragnimo Siyaasadeed oo gaamurtay.
W/Q
Abdicasiis Bashiir Nor
Tel: 4144434
Hargeysa/Somaliland