Hargeysa(GNO)-Qaar ka mid ah Wasiirada Xukumada madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dayriyey xaalada uu dalku ku sugan yahay, Xubnaha Wasiirada Shirka jaraa’id qabtay oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimada Saleeban Xaglatoosiye, Wasiirka Macdanta Xusen Cabdi Ducaale, Wasiirka Gaadhandhiga Axmed Xaaji Cali Cadaami, Wasiirka Ganacsiga Dr. Caasim, Wasiirudawalaha Maaliyada Saxariid Cadaani ayaa si wada jir ah uga hadlay xaalada uu dalku ku sugna yahay waxaanay sheegen in loo bahan yahay in nabadgelayda la ilaaliyo.
Wasirka Gaashandhiga Cadami oo ugu horeyn ka hadlay ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in wasiiro tirad intaasi leegi ay ka baxaan Xukumada, isaga oo sheegay in aanay wacnayn in loolanka Kulmiye uu dhib qaranaka u keeno, waxa kale oo uu ka hadlay wasiiradii is casilay isag aoo sheegay in madaxweynaha looga bahan yahay in dhakhso uu u soo buuxiyo wasarada wasiiradii iyo wasiiro kuxigeenadii ka tageen,.