Published:

Hargeysa(GNO) wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cadaani Saxardiid iyo wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibeda Axmed Keyse oo kala taageersan Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi ayaa saaka isku farasaaray shirkii golaha Wasiiradda ee maanta oo khamiis kasta ka qabsooma Madaxtooyadda.

IMG_B72A8F-82A545-489DC9-3803C9-BEEAA6-778CF1Labada wasiir ayaa la sheegay inay gacan qaad isla beegsadeen mar ay ku sugnaayeen barxada hoolka shirarka, waxaanay isweydaarsadeen Feedh iyo Laad, kadib markii ay is af-dhaafeen, hase yeeshee waxa uu gurmaday Madaxdii kale ee ka ag dhaweyd kuwaas oo kala jiiday Labada Wasiir.

Cadaani ayaa taageersan Muuse Biixi, waxaanu dhawr masrax ka cadeeyey mawqifkiisa oo uu si aad ah ugu dagaalamayo, halka Axmed Keyse oo ah wasiir ku-xigeenka Maxamed Biixi na uu ka soo horjeedo, waxaanay kala duwanaanshahooda siyaasadeed ka dhex abuurtay in mid kastaa ku dedaalo in uu taageero u raadiyo musharaxa uu taageersan yahay.

Si rasmi ah looma oga kooda qalad ka ku horeeyey, hase yeeshee waxa la sheegay in lagu war helay uun gacan qaadka dhex maray, inkasta oo ay wararka qaarkood sheegayaan in wasiiru-dawlaha marka hore ay isku soo jiidheen qof kale, isla madaxtooyadda dhexdeeda.

Dagaalka labada wasiir ayaa hordhac u ah saamaynta ka taagan loolanka Xisbiga Kulmiye oo ay xaraaradiisu maalinba maalinta ka danbaysa sii kululaanayso.

News Related