Published:

Labadan  mudane ayaa ah kuwa ugu Awooda  badan labada dhinac marka laga eego awooda balaadhan ee ay ka haystaan  Labada madaxwayne

Wargeyska Indian Ocean ayaa, cadadkiisii maanta soo baxay(23-10-2015) ku  sheegey in bishii hore badhtamaheedi Kulan qorsoodi ah dhex marey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Xaaji Cali iyo

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegey in kulankaas oo ka dhacey Dubai aanu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud, Silaanyo, ka war qabin maadaama uu Wasiir Xirsi ka qariye. Wargeyska ayaa sheegey in Faarax Sheehk Cabdulqaadir oo lagu timaamo gacanta midig ee Madaxweynaha Dawlada Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, uu Wasiir Xirsi ka codsadey Somaliland soo afjarto loolanka ka dhexeeya Shirkadha DP World iyo Boloré ee ku saabsan maamulida Marsada Berbera, waxaamu Faarax Sheekh ku wargeliyey Wasiir Xirsi in haddii  Somaliland doorbido Shirkada Bolore ay Dawlada Soomaaliya ku furi doonto olole siyaasadeed oo ka dhan ah heeshiiska Somaliland iyo Bolore. Waxaana la tuhumsanyahey in Dawlada Soomaaliya laalush farabadan ka qaadatey Dawlada Isutaga Imaaratka Carabta.

http://www.africaintelligence.com/ION/politics-power/behind-closed-doors/2015/10/23/secret-discussions-on-berbera-port,108108061-BRE

News Related