Hargeysa(GNO)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo kamid ah Madax dhaqameedka Somaliland gaar ahaan Beesha Habar-jeclo, ayaa sheegay inay nasiib darro tahay inay dawladda hal mar intaas oo Wasiir ka baxaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Wasiirada Is-casilay ay ku jiraan raggii ku suntanaa wax qabadka Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo dalka ka hirgalisay, waa siduu hadalka u dhigaye. Boqor Cismaan Buurmadow oo Saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan dalka Imaraadka Carabta wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.
“Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE waan uga tacsi yadeynayaa bur-burka ku yimi, kumana faraxsani runtii wax yarna maha dhawr iyo labaatan Wasiir ku dhawaad oo ah mixwarkii shaqada Dawladdu ku wareegaysay ma fududa, waxaase hadda taala in tallo degan laga yeesho sidii looga gudbi laha.”. Boqor Buurmadow oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Raggaas waxaa kamid ah qaar dalka waxbadan u soo qabtay ama Dawladan wax qabadkeedi ugu muhiimsana ama tariikhdubu xusi doonto ku suntan.”
Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka hadlaaya siduu u arko arrinta muranka keentay ee ah in Madaxweynuhu cid dhabarka taabtu wuxuu yidhi. “Madaxweynaha kuma farax sani anigu sidan uu u dhigay, Shalay isagoo war lagu farxay laga maqlay oo labadii qoloba kaadhkii qaateen, inuu Xalay dib ugu yeedho oo uu yidhaahdo cidbaan dhabarka taabtay may ahayn, isagoo awoodi karaayay inuu cidii uu rabo si hoose ula shaqeeyo iyadoo Xisbigu isku duubanyahay ayay ahayd runtii, qolada Wasiirada ah ee Is-casishayna sidaan qabo way deg degeen, inay meeshi ama Xukuumaddi tacabka badani kaga baxay ee ay magaca ku yeesheen ay sidaa dhakhsaha leh uga baxaan may ahayn.”