Published:

Hargeysa(GNO)-Wasiiradda iyo Masuuliyiinta golayaasha qaranka kaga jira Beelaha Harti ayaa Madaxweyne Siilaanyo u diray Ergo ka soo jeeda Beeshiisa si ay ugu qanciyaan in uu u xidho musharaxnimada Madaxweyne ku-xigeenka haddii kale ay dhamaantood iska casili doonaan xukuumaddiisa.

Masuuuliyiinta Beelaha Harti ayaa farriintan Madaxweyne siilaanyo u sii marinaya konton ka mid ah waxgaradka Beeshiisa oo ay kulan qado ah manta kula yeelanayaan Hargeysa, iyagoo farriintaas ka sugi doona sida ugu dhakhsaha badan.

Masuuliyiintan waxa hormood u ah wasiiradda Biyaha, Caafimaadka, wasiir ku-xigeenka Cadaaladda, iyo wasiir ku-xigeenka Isgaadhsiinta, waxaana ku dhaliyey go’aankooda kadib markii ay arkeen Madaxweyne Siilaanyo in uu u xidhay tartankii madaxtinimo ee xisbiga Muuse Biixi iyo Saylici, waxaanay u arkayeen doorkan in ay u qalmaan in lagu tixgaliyo kursiga Madaxweyne ku-xigeenka maadaama beelaha Samaroon ay ku fadhiyeen 24 sano.

Lama garan karo inay wasiiradda ku koobnaan doonto iscasilaadu iyo inay masuuliyiinta kale ee Dawladda ku jiraa ku raaci doonaan, maadaama beelaha Harti si weyn u danaynayeen inay sanadkan isugu soo habar-wacdaan dhinaca Somaliland oo ay u arkaan inay tahay rajada ugu weyn ee ay ku qanacsan yihiin.

News Related