Published:

Wasiir xagla toosiye waxaan odhanlahaa dhawaaqii aad ku dhawaaqdey shaley wuxuu lamid yahay Halbacaad lagu lisay.By maxamed jeex

Wasiir waan ku faraxsanahay inaad tidhaahdo musharaxbaan ahay laakiin inaad shaley timidey dalka somaliland waa inaad ogaataa oo aad weliba dagaal ku soo qaadey dalkaaga hooyo ee somaliland.

Wasiir malaha naftaada runta uma sheegtid ee waxaad ku nooshahay mala awaal aan raad lahayn.
Wasiir dhulka aad ka soo jeedo ee buuhoodle ama inta badan degaanada qabiilkaaga weli waxaa ka taagan calanka somaliya,

Wasiirka xagla toosiye waxaan leeyahay hubsiimo halbaa la siistaa ee waxaa kuu fiicnayd inaad ka fiirsato waxaad ku dhawaqeyso waayo? Xisbiga kulmiye wuxuu u baahanyahay nin cod u keeni kara wuxuu u baahanyahay nin dad wata oo dhulkiisu nabad yahay,dadna joogaan.

Laakiin uma baahno nin kelidii socda oo ah af miishaar ama aan miisaan culus ku lahaayn dalka somaliland wasiir haday dadka qaar dhabarka ka soo taabteen wey ku lugoynayaan ee iska ilaali meel kuma gaadhsiinayaan.

Wasiir somaliland inigu waad ka shaqeysataan ee uma shaqaysaan sidaasi darteed marka hore dalka u soo shaqeeye oo dhulkiina xuduuda soo xidha kadibna waxaad rabtaan sheegta oo isku soo sharaxa madaxweyne iyo ku xigeenba laakiin adoon waxba hayn ha,odhan waxbaan doonayaa.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

News Related