Maalintii Isniinta waxaa markii ugu horraysay taarikhda Kanada loo doortay xubinnimada Baarlamaanka waddankaasi Axmed Xuseen oo ah nin Soomaali ah. Axmed waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Liberal Party ee ku guulaystay talada waddankaasi, hoggaamiyaha xisbiga Justin Trudeau ayaa noqon doona Ra’iisul Wasaaraha Cusub. Haddaba waraysi khaas ah oo uu siiyey Idaacadda VOA ayaa Axmed Xuseen uu ku sheegay in guushiisa ay saldhig u ahayd dadka oo uu mideeyey oo aanu iska horkeenin iyo isagoo ku hawlgalay olole niyad-wanaag leh. Haaruun Macruuf ayuu uga warramay waxay ay doorashadani uga dhigan tahay.
Hoos Ka Dhagayso Waraysigan
http://www.voasomali.com/audio/3021146.html