Qormadan waxaad igula wadaagi doontaan kulmiyihii shalay cambaaray iibanta hantida shacabka iyo kulmiyaha maanta ee waraabe ku noqoday hantida shacabka Somaliland
Bal si kooban haddaan u iftiimiyo ujeedada qormadaydan waxay muuqata in kulmiyaha maanta ee hantida ummadda ku noqoday waraabe aan naxdin lahay oo ku lamaan nidaamka beelad ee qawan
Aniga oo ah shakhsi u dhashay Somaliland ku faayay inaa noqodo somalilander ,waxa aan si kulul xukuumadda ugu cambaaray iibinka xarun kasta oo ummadda dhaxtiilay oo xukuumadda oday siilaanyo si qawan u xaraashtay ,marka maanta odayga wxa u hadhsan ma jirto ila eeriboordankii burco mooyee laakiin oday iyo xisbi kulmiye waxaay ka noqotay in si aan miisan lahayn ugu dul dhacaan magaalooyinka hargeysa iyo berbera oo uu wada xaraashay wixii hanta ee labada magaalo ku yaalay sida haamaha shidaanka berbera oo sifo shacri daro ah loo maray waxa la yaab ah in xukuumadda iyo xisbi kulmiye ayaa ka wada dul talaabsaday golihii shacri dejinta ee qaranka .
Qaran waxa lagu yahay waa shacri iyo kala dambeynta ,u danaynta shacabka qaranka laakiin xukuumadda siilaanyo iyo xisbiga kulmiye waxay noqodeen kuwo waxaas oo dhan indhaha ka laabatay ,taas oo macnaheedu yahay xukuunkii ina siyad bare ee milatariga ahaa, waxaan ayaa noqotay mid nabadii faraheeda ka saartay oo abaabulaysa colaado aan shacabkani diyaar u ahayn maanta ,waxaan taa u daliil ahaa magaalooyinka boorama,hargeysa , berbera waxa ka socda dhamaantood oo u sansaan eeg yihiin muuqaalo aan nabad ahayn ,sida oo kale waxay si qaawan u cuntay warshadii laydhanka ee magaalda hargeysa ,tii magaalda berbera sidaa oo waxaay wada cuneen women,s club taas oo macnaheedu yahay in aan xukumadu iyo xisbiga kulmiye dan iyo daryeel ka wada lahayn haweenka Somaliland oo ah kuwii salka u dhigay jiritaanka qaranka aynu maanta ku nool nahay la,aantood aan u suuroobayn ,marka xukuumadda iyo xisbiga kulmiye waa noocaas
Allahayow ducadan naga ajiib
- Allahayow nidaamka beeleed ee madaxtooyada ka socota nidaam ka khayr badan noogu bedel oo aan ku dhisnayn sida ka muuqata xukunka oday siilaanyo iyo xisbiga kulmiya ba
- Allahayow tuugtan kolba shaadh noo soo xidhanaysa sharkooda naga nabad geli
- Allahayow kuwaan dalkooda dilaalin ka noqon noogu bedel oo aan xaraashin hantida umadda ka dhaxaysa
MUWAADIN Abdiaziz Hassan Mohamed
Email qoraaseed@gmail.com
Tel 0634905333