Published:

Borama – Suldaan ibraahin Jaamac Samatar oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka ayaa Xalay Munaasabad Casho Sharafa Ku Maamuusay Ciyaartoyga Xukuka Gobolka Gabiley taasi oo lagu qabtay Hotel Haldoor ee magaalada Borama.

Xafladan Ayaa Ahayd Mid Lagu Dhiirigalinayey Laguna Mahadnaqayey Sida Akhlaaqda Leh ee ay Usoo Bandhigeen Ciyaar Wanaaga, Ciyaartii Dhexmartay Salel Iyo Gabiley.

Waxa Munaasibada Hadalo Qiimo Leh Oo Dhiirigalin Dhanwalba Taabanaysa Ka Jeediyey Suldaan Ibrahim Jamacac Samatar Oo Ka Sheekeeyey Taariikhduu Ku Lahaa Ciyaaraha Gabiley Wakhtiguu Dhalinyarta Ahaa, Isagoo Hadalkiisa Wata Wuxuu Ciyaartoyda Usoo Jeediyey Talooyin Una Sheegay Inuu Gobolku Yahay Gobolkoodii oo ayna Marti Ku Ahayn.

Waxa Kaloo Hadalka Iska Daba Maray Isku Duwaha Gobolka Gabiley Iyo Kabtanka Xulka Oo Ugu Mahadnaqay Casho Sharaftan Sida Wanaagsan Loosoo Agaasimay.

Waxa Isna Hadalo Kooban Oo Mahadnaq Iyo Dhiirigalin Ahba Usoo Jeediyey Gudomiyaha Ururka SODRA Axmed Maxamed Shaqale Ciyaartoouda Xulka Gobolka Gabiley.

Waxa Soo Afameeray Munaasibadan Gudoomiyaha Gobolka Mustafe Shiine Iyo Mayerka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Dheere Iyagoo uga Mahadnaqay Soo Dhaweynta Iyo Garabjooga Hadh Iyo Habeenba Ay Garab Joogaan Maamulka Gobolka Awdal Iyo Degmada Borama, Waxa Sidoo Kale U Mahadceliyeen Suldaanka Awdal Iyo Gabiley Oo Casho Sharaftan U Fidiyey Iyo Sida Uu U Dhiirigalinayo Ciyaartoyda Xulka Gobolka Gabiley.

 

Yaxye Saxaaf

haldoornews.com

contact@haldoornews.com

News Related