Muqdisho(GNO)October-21-2015- Xukumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeedhay Somalia oo ka aadan sidii doorashada Somalia ay uga qayb gali lahayd Somaliland. Wasiirka khaarajiga ayaa tilmaamay inaanay Somaliland shaqo ku lahayn arrintaasi.
“Warka ka soo baxay Muqdisho waxba kama jiraan. Somaliland-na waa dal madaxbanaan oo muddo 25 sanno ah ka maqnayd oo aan shaqo ku lahayn dalkaas Somalia. Labada wadan ee Somaliland iyo Somalia waxaa u socda wada hadal ku saabsan sidii ay u kala tagi lahaayeen,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga oo wargeyska Himilo u waramay.
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Doorashooyinka Somaliland waxay dhacayaan sanadka 2017-ka, mana jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya doorashooyinka Somaliland iyo Somalia. Sidaas darteed beesha caalamku way ogsoon tahay in Somaliland ka madax banaan tahay Somalia.”
Warka Somalia ka soo baxay
Kulan ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen labadii maalmood ee u dambeeyay madaxda xukumadda Muqdisho iyo maamul goboleedada hoos taga ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku aadan qorshe gogol xaadh u ah doorasho Somalia ka dhacda 2016-ka.
Kulankan oo lagaga arrinsanayay hanaanka doorasho ee ku haboon Somalia sanadka 2016-ka maadaama aan la qaban Karin doorasho hal qof iyo cod ah, waxaa laga soo saaray qodobo lagu sheegayo in wada tashiyo dheeraad ah la sameeyo.
Waxaa warmutiyeedkan lagu soo hadal qaaday in bulshada Somaliland qayb ka noqoto qorshahan wada hadal ee lagu doonayo doorasho Somalia ka dhacda sanadka 2016-ka, waxaanu hadalkaasi imanayaa maalmo kadib markii wasiirada iyo xildhibaannada Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho u xil doontay sida fiinta uga qayliyeen kulankan oo ay sheegeen inaan cid Somaliland ka soo jeeda lagu darin, sidoo kalena ay sheegeen inaan Xukumadda Muqdisho waxba u ogolayn dadka Somaliland ee halkaasi jooga.
– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Beelaha-Somaliland-Waa-Inay-Ka-Qayb-Galaan-Wada-Tashiga-Doorashada-2016-ka-Nuxurka-Warmutiyeed-Xukumadda-Muqdisho-Soo-Saartay.html#sthash.SyKLXMI2.dpuf