Published:

  • Somaliland su’aalaha horyaalla waxa ka mid ah jiritaankeedii ummadnimo iyo
    qarameed ma sii socon karaa oo ma la sugi karaa Somaliland is haysata oo
    midnimo ku naalloota; qaran iyo dad ahaan ba?
    Taas ka horjeedkeeda, waxa wadnaha farta lagaga hayaa in ay u kala firidho
    sidii adhi weere galay. Tani saadin belaayo iyo shar doonnimo ma aha ee waa
    “khayr wax kuma yeelo, ee shar u tooga hay”! Waa welwel, walbahaar iyo
    walaac uu waayaha jiraa ku soorayo garaad kasta oo fekeraya, caqli kasta oo
    gorfayn ku hilaadin kara waxa jira iyo waxa ka dhalan kara cidhib dambeed
    ahaan.
    Haddii uu sii socda dareenka taban ee xoogga dhexdeena ku leh ee ah “waxa
    aynu nahay reero wax isku darsaday oo reeronimadaas wax kaga dhexeeyaan”
    waxa hubanti ah in aynaan qarannimo weligeen hanan kari doonin, goor ay
    noqotana in reeruhu iska hor iman doonaan, oo ku kala dhaqaaqi doonaan waxa
    ay is moodsiiyeen in ay isku darsadeen ee ka dhexeeya!
    Nidaamka beelaha haddii wax lagu yagleelay xilligii adkaa ee colaadaha iyo
    dagaallada sokeeye laga soo doogay, waxa ay ahayd in qarannimo looga sii
    gudbo oo qabiilka iyo qarannimada la kala saaro, illayn labadu ma wada
    noolaan karayaan oo xafiisku kama dhaxayn karo eh.
    Haddii garaadku shaqeeyo oo loo fekero si togan oo wax-ku-ool ah, madaxna
    bannaan oo xor ah waxa kuu soo baxaysa in nidaamka qabiil ee wax lagu dhisay
    uu isaga laftiisu dumin karo waxaas lagu dhisay oo uu cadow u yahay.
    Tusaale haddii 1991 iyo 1993 Burco iyo Boorame loo wada dhammaa wada
    yeelashada Somaliland oo beeluhu wada yagleesheen 25 sannadood ka dib,
    waxa isa soo taraysa in wada yeelashadaasi sii shiiqayso ama degaannada qaar
    aanay biyo-dhigin ba oo ay sheekobaraley agtooda ka ahayn, cid u rumaysana
    aanay il baal ka qaadin, cid sii fogaysa mooyaane.
    Qaybaha ugu badan ee bulshada Sool iyo Sanaag Bari way sii durkayeen, illaa
    in badani fogaadeen maanta oo ay geeri ka xigaan in ay wax la yeeshaan beelo
    kale oo Somaliland magac ah sita.
    Waxa kale oo dareen tabani mar kasta ka oognaa Awdal oo Somaliland aanay in
    badani laabta u sii dayn, dareenkaas oo maantadaa qoyan isna carcarihiisa qaba
    oo taagan.
  • Beelaha dhexe oo ahaa isirkii ugu weynaa ee yagleelka Somaliland dabada ka
    riixayey ayaa u kala qubtay oo maanta u kala yaalla reero, jilibbo iyo raasas
    ooduhu u kala rogan yihiin oo aan dabka kala qaadan.
    Calaamadahan oo dhami ma aha wax cusub ee waa dhaqankii iyo geddii lagu
    yiqiin ee laga fili karayey nidaamka qabaliga ah iyo noloshiisa. Waa reero oo
    dhul iyo mabaadiyi kama dhexeeyaan ee waxa ka dhexeeya tolliimo iyo hiilo ka
    dhaxaysa hadba intii dhiig wadaag leh ama hab is gaashaan-buuraysi leh.
    Xafiiskii dawladeed ayaa waxa isugu yimi laba ama in ka badan oo ah dad ka
    soo kala jeeda beelo aan dhiig iyo is bahaysi wadaag ahayn.
    Waa kuwaas isku haysta ee ku dagaallamaya. Xafiiskii iyo wasaaraddii waxa ay
    noqdeen meel had ba ninka ka madaxda ah uu reerkoodu leeyahay.
    Madaxtooyada iyo dawladdeenna waxa mar na leh oo loo nisbeeyaa qolo guud
    oo Isaaq la yidhaahdo, mar kale na reer hoose oo Habarjeclo la yidhaahdo. Waa
    dhab taasi waa xukuumad kasta waxa loo aaneeyaa in reer leeyahay ama reero
    ka xigaan kuwa kale, ta dhalan doontana waa sidaas haddii aan tubtaas iyo
    garashadaas wax laga beddelin.
    Intu ba waa xaqiiqo jirta haddii aan la is yeel yeelayn oo waaqaca horteenna
    yaalla ka dhex muuqda.
    Mas’uulku Somaliland uma qoolna xilkiisa iyo waxa uu mas’uulka ka yahay, oo
    cidi ka la ma xisaabtami karto wax kasta oo uu bi’iyo, waa waa nin reer hebel u
    jooga, oo qarannimadii la isku darsaday u metela, haddii la soo qaado waldays
    (ul ama budh) ayaa ciddii wax ka sheegta lagu la soo haadayaa. Haddii uu duray
    qaado waa laga wada daba qufacayaa.
    Sifada qof xil loogu dhiibaa waa reer hebelnimadaas lafteeda ee ma aha
    aqoontiisa iyo xirfaddiisa qofnimo. Aqoon iyo xirfadi ba qiimo-soorka ama
    qiyamta kuma jiraan oo meel kuma laha. Waa wada maan gurracan iyo garasho
    jaan. Maqluubkay maskaxdu u fekertaa.
    Waxa taas la mid ah in aanu muwaaddinku xaq iyo xuquuq ba lahayn si la mid
    ah sida marka uu dembi galo aan loo la xisaabtami karin. Labada jeer ba waa
    reer hebel waxa wax lagu qiimaynayaa. Codkaaga iyo hankaagu ba waxa ay u
    xidhan yihiin reer hebel oo sidii ay cuqaashu ku arrimiyaan waa in aad yeeshaa.
    Dsiyaasiga iyo aqoonyahanku waxa ay hayaan xilkii cuqaasha ee maaha dad
    nolosha doorar iyo kaalin ku leh.
    Siyaasiga Somaliland waxa fekerkiisa, garaadkiisa, dareenkiisa iyo ficiladiisa ba
    qaabeeya oo sameeya salaadiinta beeshiisa iyo qabyaaladda ama qabiilka iyo
    taxaalufaysigiisa, bahaysigiisa siyaasiga ah. Axsaabteenna iyo noloshooda
  • siyaasadeed ba dheeho. Waa qabaa’il iyo qabyaalad dhismahoodu. Qaarkood
    waxa bay u dhisan yihiin si u eg habraaca islaamuhu ay haqbadda isugu darsan
    jireen oo reero ayaa hagbadaysanay, oo sidaasi in ay sax tahay ku tagsan oo
    aaminay.
    Ma jiro ama waa faro-ku-tiris siyaasi ama hoggaamiye ina hor keeni kara qorshe
    iyo barnaamij siyaasadeed oo leh himilo, higsi iyo ujeeddooyin qarameed oo ka
    turjumi kara baahida iyo tabashooyinka qaran ee jira: Kala daadashada
    garashadii ummadnimo, dhaqaalaha sii hagaasaya, shaqo la’aanta iyo
    saboolnimada sii baahaysa, tayada la’aanta inta la haysto ee waxbarasho leh,
    caafimaad leh, waddo iyo jid la maro leh, biyo leh, daryeel naf iyo nool leh,
    garsoor iyo caddaalad leh, han iyo hirasho leh, aqoonsi dibadeed iyo xidhiidh
    caalami leh, ee intan in kale ba leh. Waxa siyaasiga kaga gudban garshada
    reernimo ee wax kasta kala weyn oo iyada uu marna kula eertaa oo la hoos
    galaa dunaabtiisa iyo dhalliilihiisa, mar kalena uu taageero iyo cod ka
    durraantaa.
    Halkanna waxa habaas ku dul fuulay distoor, sharci iyo qaanuun oo dhan oo
    waxa loo gacan galay kaymihii dabar iyo seeto la’aanta. Sigaasigeenna iyo
    mas’uulkeennu ba waa “awr dabar la’aan dhacay”! dembi ma qabto, xaal na ma
    qabto, wax ba ba ma qabtaan.
    Ma jiro muwaaddin xil laga la xisaabtamaa saraan yahay, ma na jiro muwaaddin
    leh xaq iyo xuquuq. Maxaa markaas qanuun iyo sharci looga baahan yahay?!
    Haddii sharci iyo qaanuun la raacaa wax ba agteenna ka noqon waayeen oo
    dawladnimadeennu ka maarantay, oo aynu ka doorbidnay xeer jajabkii
    qabiilooyinka iyo taxaalufkoodii, is garabsigoodii iyo is gaashaan-
    buuraysigoodii ku salaysnaa iska caabbinta iyo muquuninta qolooyinka kale,
    waxa aynu gawrac ugu jiidnay oo aynu god dad liq ah oo gun dheer iyo dalluun
    ku hubsanaynaa qarannimo inoo hanaqaadda iyo isirradeedii, waxa na aynu
    horseednay raacidda jid qardajeex ah oo qodxaan badan oo burbur, danni iyo is
    waa’ miidhan ah.
    Ma sii wada noolaan karaan qabiilka iyo qarannimada kursiga xafiiska
    dawladeed ku wada fadhiyaa?
    Ma kala saari karnaa qabiilka iyo qarannimada xafiiska dawladeed sidii Reer
    Yurub ugu guulaysteen in ay kala saaraan Kiniisadda iyo Dawladda markii ay
    wada noolaan kari waayeen dhawr weyn oo qarni ka hor?
    Ma abuuri karnaa qaran walaaleeya qabaa’ilka oo dhan sidii Diinta Islaamku
    Jasiiradda Carbeed ka dhaqan gelisay soo if-baxeedii?!
    Sidee ayaynu ugu gudbi karnaa “qafla baabayntaas” qarannimadii afka saartay?
  • Miyaynaan gaadhin wakhtigii la is waydiin lahaa, laga fekeri lahaa hoggaan leh
    karti, garasho, aqoon, daacadnimo iyo hufnaan oo dejin kara, abuuri kara, inaga
    iibin kara, oo soo bandhigi kara qorshe iyo barnaamij siyaasadeed oo la noolaan
    kara bugtadeenna, oo dabiib u raadin kara xannuunadeenna iyo
    dhibaatooyinkeenna ina barriinsaday. Hoggaan (koox) leh han iyo himilo qaran,
    higsi iyo ujeeddooyin fulineed oo aan afka baarkiisa ahayn, u qoolan
    mas’uuliyaddooda, isirradii maamul wanaaggu iyaga iyo dhaqankooda ka
    muuqdaan, oo sharciga iyo qaynuunku dabbaalaan oo xidhaan. Hoggaan isu soo
    taaga gobollada oo dhan isaga oo aan reero ahaan iyo qabyaalad ku
    beerlaxawsanayn oo wax kaga doonayn, hase yeeshee wax qabad iyo qorshe
    wax kaga iibinaya oo cod kaga doonaya. Haddii hoggaankaas la helo xisbigii uu
    doono ba sallaan ha ka dhigto’e, waxa aan u arkaa in Somaliland ka gudbi karto
    waddada oodanta ah ee ay shafka ku hayso maanta.
    Maxay kula tahay?
    Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan
    mohamedbashe@hotmail.com
    facebook.com/baadisooc

News Related