Hargeysa (GNO) – Hay’adaha Sirdoonka Britain iyo Mareykanka ayaa isha ku haya Haweeneydii Mayalka adage e ka tirsan Al-qacida Samantha Lewthwaite ‘’ Carmasha Cad’’oo la aaminsan yahay inay halis ku tahay amaanka Dawladaha ay ka dagaalamaan Kooxaha xagjirka ah.
Haweeneydaani oo u dhalatay dalka Britain ayaa iminka la rumeysan yahay in dhuumaaleysi ay ku joogto mid kamid ah dalalka dhaca Bariga Afrika.
Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa Britain ayaa qoray in xogo uu la wadaagay Sirdoonka Britain ay muujineyso in Samantha Lewthwaite ay ku nooshahay Bariga Afrika islamarkaana ay halkaasi kawado dadaalo lagu xoojinaayo awoodaha Kooxaha xagjirka ah ee kasoo horjeeda nabada.
Wargeyska waxa uu sheegay in Haweeneydaasi ay ku hawlan tahay qorshooyin lagu carqaladeynaayo dalalka qaar ee dhaca Qaarada madow ee Africa, waxa uuna intaa ku daray in halista haweeneydaasi ay tahay mid ka weyn inta laga filanaayo.
Waxa uu sidoo kale qoray in Samantha Lewthwaite ay kaalin miisaan leh ka qaadatay Weerarkii ay Maleeshiyaadka Al-shabaab bilowgii sannadkii hore ka geysteen Degmadda Lamu oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia kaasi oo ay ku haligmeen dad aad u farabadan.
Samantha Lewthwaite “Carmasha Cad’’ oo Cimrigeeda lagu sheegay 31, ayaa iminka la garwaaqsan yahay inay xubin firfircoon ka tahay Al-qaacidada Somalia ee Al-shabaab, sida uu qoray wargeyska.
Geesta kale Dawladaha Britain iyo Mareykanka ayaa si aad ah u baadi goobayo Samantha Lewthwaite inkastoo Dawladahaasi ay horay u sheegen inay u baxsatay dalka Yemen hadana macluumaadkii ugu danbeeyay ayaa muujinaaya inay ku sugan tahay Bariga Afrika.