Sidee u soo jiidan kartaa marka aad la hadlaysid dad ama u qud badaynayso?
Hadii aad raacdo talooyinka habka lagu barto cod karnimada ee la yiraa “retorik” ayaa waxa laga yaabaa in aad noqoto mid cod kar ah.
Hadaba waa kuwan talooyinka aad raacaysaa si aad u noqoto qof cod kar ah:
1. Hordhac:-Waa in lagaa arkaa in aad danaynnayso in aad wax u sheegto dadka ku dhegaysanaya oo xiisana galisaa si ay kuu dhegaystaan. Waa in aad galisaa dareen ah in ay yidhaahdaan “qofkani waa qof wanaagsan”, waa in aad ka hadashaa wax idinka dhexeeya, ilkacadee oo tus in aad tahay qof caadi ah. Bixi hor dhac gaaban oo ha fashilin dhamaan waxa aad ka hadli doontid.
2. Sheekada:- Waa in aad u dhistaa arinta aad ka hadlayso aasaas oo aanad fashilinin u jeedadaada. Ahow qof aan dhahayn waa sidan arintu oo aniga ayaa og.
3. Muhiimada:-Bilow in aad muhiimada qudbadaada. Waa in aad soo bandhigtaa cadaymaha sheegaya arinta aad ka hadlayso.
4. Dood :- Waa in aad ka jawaabtaa su’aalaha ka dhalanaya arinta aad ka hadlayso adiga oo ku lifaaqaya muhiimada qudbadaada. Ka dooro 3 arimood oo ka mid ah qudbada oo muhiim ah, adiga oo u kala xulanaya sidan: Ugu horeysii ta ku xigta ta ugu muhiimsan, dhexda gali ta aan sidaa muhiim u ahayn oo ugu dammaysii ta ugu muhiimsan.
5. Wajah shakiga:-Waa in aad tustaa fahmid hadii ay ka shakisan yihiin qudbadaada, hadii u yimaado ka soo horjeedsi waa in aad si cadyn ah ku tirtirtaa. Una oglow dadka ku dhegaysanaya in ay su’aalo ku waydiiyaan.
6. Gabagabada:-Ku soo celi arinka aad ka hadlaysay iyo doodii ugu muhiimsanayd ee aad ku cadaynaysayin ay arintu sidaa tahay. Xiisad is gali, adiga oo ku muujinaya cod xoogan oo aad kor u qaaday. Ahowna sidaadii hore ee aad ahaan jirtay.