Published:

Gabiley (GNO)- Ololaha wacyigelinta badbaadinta shinnida, ayaa maanta laga fuliyey magaalo-madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley, iyadoo deegaannkaasina ka mid yahay meelaha shinnida lagu dhaqdo ee Somaliland ka tirsan.

IMG_9824

Ololahan oo 10kii bishan October lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, ayaa ku aaddan in dadku ku baraarugaan badbaadinta shinnida oo hudheelada cuntada iyo maqaaxiyaha shaaha ku dhimata, isla markaana dad badani iska saaraan cabsida ah in shinnadu tahay cadaw ah oo wax cuna, balse ay tahay noole yar oo ilaahay karaameeyey, samaysana malab dadka dawo u ah.

IMG_9796

Fikirka ololaha oo uu lahaa suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare), ayaa waxa ku taageeray dhalinyaro iyo dad kale oo dareemay in ololahani badbaada iyo daryeelka shinnida uu muhiin u yahay.

IMG_9828

Lix xubnood oo ka mid ah dhalinyaro isu xilqaamay wacyigelinta badbaadinta shinnida ayaa maanta gelinkii hore magaalada Gabiley hawsha wacyigelinta ka fuliyey, iyagoo booqday isla markaana munaasibad kooban ku dhex qabtay xarun shinnida lagu dhaqdo oo Gabiley ku dhex taalla. Xubnahaas oo kala ah Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare), Xamse Cumar-ku-joog, Huda Cali Banfas, Xamse Cali Jeesto, Cumar Cali Xasan (Serbiya) iyo Cabdiweli Maxamed Gaaxnuug.

IMG_9803

Xubnaha oo badankoodu halkaa ka hadleen ayaa waxay sheegeen inay farxad weyn u tahay inay ololaha gaadhsiiyaan magaalada Gabiley, iyagoo si gaar ah u sheegay in ololahani uu yahay mid tabaruc ku dhisan oo ilaahay dartii loo fulinayo, si shinnidu nabad iyo badbaado u hesho.

IMG_9820

Xasan Muxumed Cabdillaahi oo muddo siddeed iyo toban sano ah ka soo shaqaynayay hawlaha shinnidda oo xubnaha ololahana ku soo dhaweeyey Gabiley, ayaa si weyn u taageeray ololaha isla markaana sheegay inuu kaalin mug leh ka qaadan doono.

IMG_9842

Waxa kale oo uu sheegay inuu tan iyo markii ololaha la shaaciyey uu sugayay inuu mar uun la kulmi doono xubnaha ololaha, isagoo tilmaamay in ololahani yahay mid aad loogu baahnaa oo dadkana baranaya muhiimada shinnada.

IMG_9844

Waxaana uu caddeeyey inuu ololaha door laxaad leh ka qaadan doono uuna gaadhsiin doono deegaanka Gabiley ololaha badbaadinta shinnida iyo daryeelkeeda ba.

Xasan ayaa xubnaha booqday ee xaruntiisa shinnidda ugu tegay wuxuu ku casuumay malabka shinnida weliba nooca loo yaqaanno xabag-barsheedka.

IMG_9915IMG_9913IMG_9911IMG_9908IMG_9909IMG_9907IMG_9906IMG_9905IMG_9904IMG_9903IMG_9899IMG_9898IMG_9781IMG_9782IMG_9787IMG_9786IMG_9785IMG_9784IMG_9783IMG_9788IMG_9789IMG_9790IMG_9791 IMG_9792IMG_9798IMG_9797IMG_9795

News Related