Published:

1 3 5 6 79 10Waxaa maalintii lixaad si habsami ah garoomada Xaaji Dahir Stadium iyo Alamsey Stadium oo ku kala yaala magaalooyinka Boorama iyo Burco uga socda wareega kowaad ee isreeb reebka tartanka koobka gobolada Somaliland, waxaana maanta la ciyaaray kulamadii lixaad ee isreeb reebka tartanka gobolada Somaliland.

Kooxda gobalka Gabiley oo kulankii hore barbaro soo gashay ayaa ciil kula dhacday kooxda gobalka Saaxil, waxayna kooxda Gabiley kulankan ay ku gumaaday dhigeeda Saaxil 4:1, waxaana guushan Gabiley u horseeday Mukhtar Messi oo laba gool dhaliyay halka Cumar Cali iyo Sharmarke Ilkadahable ay min hal gool dhaliyeen. dhinaca kale kulan adag oo ka dhacay Alamsey Stadium ayay Sool iyo Sanaag barbaro 1:1 ah ku kala baxeen waxaana Sool gool laaga xorta ah udhaliyay Cabdi-Maalik halka Siikaawi uu gool rekoodhe ah Sanaag barbaraha ugu keenay.

Kulamadii maanta oo jimce ah la ciyaaray ee isreeb reebka tartanka gobalada Somaliland iyo natiijooyinkii ka soo baxay:

Kulanka Kooxda Gobalka Gabiley 4:1 Kooxda Gobalka Saaxil:

Kulan xiiso badan ayaa Xaaji Daahir Stadium ku dhex maray kooxaha xulalka gobolda Gabiley iyo Saaxil, Gabiley ayaa ciyaaraysay kulankeedii labaad iyada oo hore barbaro gool la’aan ah ula soo gashay kooxda gobalka Salal, laakiin kooxda gobolka Saaxil ayaa ciyaaraysay kulankeedii ugu horeeyay.

Gabiley ayaa kulankan ku bilaabatay dardar cajiib ah iyada oo u muuqatay inay u dagaalamaysay guusheedii ugu horaysay iyo waliba Afartii dhibcood ee ugu horeeyay ee sanadkan ay ka gaadho tartanka gobolada Somaliland.Kulankan ayuu wacdaro ka muujiyay xidiga Gabiley weerarka ugu ciyaara ee Mukhtar Messi kaas oo kulankan ka dhaliyay labada gool ee hore.

Dardar iyo dadaal kadib Mukhtar Messi ayaa Gabiley hogaanka u dhiibay kadib markii uu dhaliyay goolka furitaanka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Gabiley hogaanka kula wareegtay.

Xamaasada ciyaarta ayaa cirka isku shareertay waxaana kooxda Gabiley ka go’nayd sidii ay ciyaarta uga dhalin lahayd goolal badan maadaama oo ay kulankii hore garoonka ka baxeen iyaga oo aan shabaqa soo taaban. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay kooxda xulka Gabiley hogaanka ku haysay.

 

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Gabiley soo laabtay iyada oo ku socota dardar aan la joojin karin, waxaana markale tayadiisa ciyaareed muujiyay isla gooldhaliyhii hore ee Mukhtar Messi kaas oo markale si fiican shabaqa u soo taabtay wuxuuna markale ciyaarta ka dhigay 2:0 ay kooxda xulka Gabiley hogaanka ku dheeraysatay.

 

Goolasha daadka ah ee kooxda gobalka Gabiley ayaa halkeeda ka sii socotay, waxaana Gabiley goolka saddexaad ee dhulka jiiday kooxda gobolka Saaxil udhaliyay Cumar Cali kaas oo gool qurux badan oo ay Gabiley si fiican u soo dhistay ciyaarta kaga dhigay 3:0 ay Gabiley ku dhibaataynayso kooxda Gobolka Saaxil oo ciyaar fiican soo bandhigaysay balse dhamaystirkeedu aad u liitay.

Kooxda gobolka Saaxil ayaa ugu danbayn dadaalkeeda gool u badashay, waxayna markan la timid goolka kaliya ee ay kulankan ka dhalisay, waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay wali Gabiley hogaanka ciyaarta ku haysay.

Iyada oo lays waydiinayo in kooxda gobolka Saaxil ay ciyaarta ku soo laaban karto iyada oo waqti koobani uga hadhsanaa ciyaarta ayuu Gabiley goolka afraad u saxiixay Sharmarke Ilkadahable kaas oo oo ciyaarta badal ku soo galay isla markaana lagu soo badalay Cabdi Riyaad oo isaguna door wayn ku lahaa caawinta goolasha iyo waliba kubbad dhisida, wuxuuna Sharmarke ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Gabiley ku xasuuqayso kooxda gobalka Saaxil.

 

Rajadii soo laabasho ee Saaxil ayaa noqotay mid lagu hungoobay, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 4:1 ay kooxda gobalka Gabiley ku gumaaday dhigeeda Saaxil oo kulankeedii ugu horeeyay ee sanadkan guuldaro ku bilaabatay.Waa natiijiidii ugu waynayd ee sanadkan ay koox gobolada Somaliland ahi ay tartanka ka gaadho.

 

Kala saraynta Group B ee tartanka goblada Somaliland qaybtiisa Awdal:

 

1-Gabiley =4dhibcood iyo laba kulan

 

2-Saaxil   =Hal kulan wax dhibco ah malaha

 

3- Salal   = 1 dhibic iyo hal kulan

 

 

Kulanka kooxda Gobalka Sool 1:1 Kooxda Gobalka Sanaag:

 

Kulan adag oo aad loo sugayay ayaa garoonka Alamsey Stadium ku dhex maray kooxaha xulalka Sool iyo Sanaag, Sanaag ayaa ciyaaraysay kulankeedii labaad iyada oo hore barbaro gool la’aan ah ula soo gashay kooxda gobalka Saraar, laakiin kooxda gobolka Sool ayaa ciyaaraysay kulankeedii ugu horeeyay sanadkan.

 

Kulankan ayaa ahaa mid aad u adag oo ay labada kooxoodba ku soo bandhigeen ciyaar fiican oo xirfad iyo akhlaaq fiican ku dhisan. Labada kooxood ayaa awoodi waayay inay qaybta hore ee ciyaartan ay wax goolal ah kala dhaliyaan inkasta oo ay fursado abuurayeen. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

 

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba dadaal ugu jireen sidii ay ismari waaga u jabin lahaayeen, waxaana dadaal kadib hogaanka ciyaarta la wareegay kooxda gobalka Sool, iyada xidiga Cabdi-Maalik Muxamed uu Sool udhaliyay gool cajiib ah oo ku yimid laaga xorta ah wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Sool hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

 

Cabdi-Maalik Muxamed ayaa si cajiib ah u tuuray kubbada laaga xorta ah ee kooxdiisa lagu abaal mariyay, wuxuuna wax fursad badbaadin ah uu udiiday goolhayaha kooxda gobalka Sanaag.

 

Laakiin hogaanka ay Sool la wareegtay ayaan noqon mid sii waara iyada oo daqiiqado yar kadib ay Sanaag ku guulaysatay in rekoodhe lagu abaal mariyo kadib markii difaaca Sool ay qalad ku galeen Siikaawi oo xerada ganaaxa Sool ku jiray, waxaana rekoodhahan gool u sarifay isla Siikaawi oo aan wax qalad ah samayn wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

 

Labada kooxood ayaa fursado badan oo ay goolal kula iman karee sameeyay laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 1:1 ah. Sanaag ayaa hogaanka u haysa Group B ee tartanka gobolada Somaliland qaybtiisa ka socota Burco iyo Alamsey Stadium, laakiin Sanaag ayaa laba kulan ciyaartay halka Sool iyo Saraar ay fursado fiican haystaan maadaama oo ay min hal kulan ciyaareen.

 

Kala saraynta Group B ee tartanka goblada Somaliland qaybtiisa Burco:

 

1-Sanaag = 2 dhibcood iyo laba kulan

 

2-Saraar   = 1 dhibic iyo hal kulan

 

3- Sool   = 1 dhibic iyo hal kulan

 

Mahamoud Batalaale

Haldoornews.com

contact@haldoornews.com

News Related