Published:

Aadan-DhoolayareHargeisa(Haldoornews)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Aadan Axmed Cilimi  Aadan-Dhoolayare ayaa waxa uu ka hadlay wakhtiga loo cayimay qabashada Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu ka difaacay eedo culus oo loo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Aadan-Dhoolayare waxa uu ku taliyay ololaha loogu jiro Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE inaanu noqonin mid la isku xag-xagto, balse inuu noqdo mid xalaala.

Sidaa waxa uu Aadan-Dhoolayare ku sheegay Qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Haldoornews.Waxaanu u dhignaa sidan

 

“Waxaan beryahan dambe ugu xiiso badan siyaasadda dalkeena qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.Taas oo uu ku dhawaaqay wakhtiga qabshada shir-weynaha Gudoomiyaha xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

Shirweynaha golaha Kulmiye oo muddo dheer la sugayay dhawr jeerna baaqsaday.waxay u egtahay in xiligan ay tahay xiligii ugu haboona in la qabto sababtoo ah waxaaba fooda inagu soo haysa wakhtigii doorashada Madaxwenaha oo ku jirta muddo korodhis loo asteeyay sanadka 2017 sida uu dikareetada ku soo saaray Madaxweynuhu.

 

Sidaasi awgeed loo baahanyahay in la helo cidda noqonaysa musharaxa dhabta ah ee xisbiga Kulmiye si uu wakhti ku filan u helo ninka loo doorta,iyadoo aynaan weli maqal inuu madaxweynuhu ka tanaasulay inuu mar labaad isu soo taagi doono iyo in kale,balse sida la saadaalinayo waxay u eegtahay inaanu madaxweynuhu diyaar u ahayn mar kale.

 

Waxaana caddayn u ah loolanka tartanka murashaxnimo ee xisbiga gudihiisa ka socda oo ay ka muqato ragga hunguraynaya inaanay la dhuuman hanka ay u qabaan inay ku tartamaan jagada. musharaxnimada taasna ay dhacdayba in raga doonaya ay si badheedh ah iyaga oo beelahooda wata ugu badheedheen inay afka u kal qaadaan madaxweynaha oo ay ka codsadaan inuu taageero cidda ay wataan.

 

Si kastaba ha noqotee waxa caddaan ah inuu muuqdo loolan xoogan oo ka dhex socda xisbiga iyo bulshada gudaheeda oo lagu hadal hayo warbaahinta,gudaha dalka iyo qurbahaba,taas oo ay bulshadu ku saadaalinayaan cidda noqonaysa jagada murashaxa tartanka uga qaybgeli doonta madaxtinimada dalka 2017 haddi uu ilaahay inagu simo.

 

Hadaba hadal-haynta iyo tibaaxaha loolanka waa wax caadi ah inay bulshadu faalayso oo uu qof waliba ka hadlo in loo doorto cidda ku haboon xilkaas,isla marka ay xaq u leeyahay muwaadin kasta oo ka mid ah xisbigaas.Laakiin waxaad warbaahinta ku arkaysa qaarkood inay weerar iyo dhaleecayn dhab iyo hafar-ba isugu jira ay ka wadaan goobaha la isugu yimaado, Website yada, qaarkood weerar iyo dhaleecayn qaawan ku hayaan Gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi.

 

Hadaba Muuse runti anigu sidaan u aqaan ama Sooyaalkiisa siyaasadeed ku aqaan waa nin muddo dheer ku soo dhex jiray badweynta halganki iyo siyaasada dalka kuna leh sax iyo qaladba waayo marka halgan la galo ee la isugu yimaado talooyin iyo doodo in cidiba dhinac ka eegto.

 

Muuse waa nin taariikh dheer ku leh wadankan xaqna u leh inuu xil ka qabto waddanka, run ahaantiina wakhtigii 1994-kii ee uu Madaxweyne Cigaal u magacaabay xilka arimaha gudaha ayuu muddo gaaban xil ka qabtay waddankan uu u soo halgamay.

 

Anigu waxaan aaminsanahay inuu yahay ruug cadaa u bislaaday siyaasada, waaya arag ah ku haboon in loo doorto jagada musharaxnimada ee xisbiga islamarkaana xaqa u leh in isaga loogu abaal gudo musharaxnimada xisbiga waayo waa nin abaal leh gudina kara.

 

Sidaasi awgeed,in la joojiyo afxumada iyo in la soo faqo dhacdooyin la soo maray oo ah taariikh ay dadku soo maraan xumaan iyio wanaagba leh.

 

Maanta oo ay tartan ku wada jiraan rag beeshiisa ah laakiin aha tageerayaashi shalay kuna farxsana khalad iyo sax inay maanta ku cambaareeyaan dhacdooyin ay kula jireen, laakiin ay wixii dhacay keligii ku tilmaamaan weliba laga yaabo rag daaha dabadiisa ku jiray oo ka dambi badna ay maanta ku qoraan warbaahinta hadalo xanaf leh,balse aan qabo Muuse inuu yahay nin u badheedha xumaan iyo wanaagba.

 

Looma baahna inay Muuse ku dhaleeceeyaan dagaal ay ku wada jireen dad ay dhinaca siyaasada iskaga soo horjeedeen laguna cabsiiyo abtiyaashi oo ay mar siyaasada ku coloobeen.

 

Raguna waxay isugu jeclyihiin marka uu dagaal dhex maro ka dibna ka heshiiyaan laakiin noqon mayso in gudoomiyaha lagu khuukhiyo dagaal iyo halganki ragi shalay kula jiray ay maanta u nisbeeyaan inuu masuul keligi ka ah balse aan qabo qaar badan oo maanta daba sida ceeb ay iyagu ka xumaan badnaayeen.

 

Waxaan ku soo gebogabeynaya maqaalkan inaanu Muuse waxba ku waayeen waxaan maanta joogin, intii abtiyaashi kala gaadhayna aanu keli ku ahayn,cidda ku hadaaqaysana aan qabo inay abtiyaashi wax u dhimayaan waayo isagaba looma hanbayn. Ragana wax kastaaba way soo maraan waan laga umulin uun.

ololaha lagu jiraana ha noqdo mid xalaal ah, oo aan laysku xag xagan.”

News Related