Hargeysa(Haldoornews)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Ka mid ah xubnaha u tartamaya Murashaxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye ee lagu dooran doono shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo la qaban doono 10-ka bisha November ee fooda innagu soo haysa, ayaa bilaaby inuu magaca iyo aawooda Madaxweynaha JSL si khiyaamo iyo dhabcaalnimo ah ugu adeegsado ololihiisa gaarka ah ee uu ku doonayo inuu ku kasbado codadka iyo taageerada xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo uu ogaaday inaanu aqlabiyadooda wax taageero iyo kalsooni ah ka haysanin.
Warkan oo ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan xildhibaanada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ka cudur daartay in magacooda la shaaciyo ayaa waxa uu intaas raaciyey in Muuse Biixi dhawrkii maalmood u dambeeyey ololihiisa u adeegsanayey qoddobo ka mid ah awoodaha Madaxweynaha oo aanay isaga iyo cid kale toona samayn Karin.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu xubnaha uu codka ka doonayo ugu baanayaa in uu xilal Wasiirnimo, Wasiir Ku xigeenno iyo agaasimeyaasha guud ee aan isaga la socon madaxweynuhu dhawaan xilka ka qaadi doono isla markaana ku bedali doono xubno ka mid ah taageereyaashiisa. Muuse Biixi waxa uu ergada Golaha Dhexe la kulmayaa isagoo wata xubno ka mid ah xildhibaanadda iyo dadka ku ag –dhow qoyska madaxweynaha kuwaasi oo ku badhi taaraya inay xisbiga ku dhex faafiyaan tibaaxo been ah oo la xidhiidha in cidii la shaqayn wayda Guddoomiyaha KULMIYE xilalka laga qaadi doono.
Guddoomiye Muuse Biixi ayaa yaqiinsaday inaanu ku meel mari Karin cod isla markaana ay lagama maarmaan u tahay in doorashadda xisbiga dhexdiisa loogu xidho kooto, ka dib markii uu ogaaday in facaa’ilkiisa taban ee labaatankii sannadood ee u dambeeyay aanu u suurto gelin Karin inay ummaddu taageero ku siiso inuu dalka madaxweyne ka noqdo. Si kastaba arrintu ha ahaatee waxa lagama maarmaan ah in Muuse Biixi ka waantoobo been abuurka iyo awoodaha madaxweynaha ee uu sida khaldan doonayo inuu ugu gabood falo.
Haldoornews.com
xigasho:Oodwaynenews