Published:

 

12170775_1208128619213765_731521539_nWaxaan maanta jeclaystay inaanka hadlo loolanka iyo  hirdanka siyaasadeed ee  ka socda xisbiga kulmiye. hadaba sida aynu wada ognahay  Xisbiga kulmiye waa xisbiga kaliya  ee ay ku jiraan siyaasiyiin ruug cadaa ah, waxaa uu soo galay   doorashooyinkii kala danbeeyay ee wadankan ka qabsoomay. kuwaas oo uu  marna guuleystay marna laga guuleystay.

waan xasuusta markii laga guuleystay xisbiga kulmiye waxaa ka dareeray rag badan oo Xisbiga ka mid ahaa ka dib markay u  adkeysan wayeen guuldaradii xisbiga. muuse biixi waxa uu ahaa siyaasiyiintii go,aanka adag ka qaatay inaan dalka la burburin loona hogaansamo natiijada ka soo baxday doorashada si aanay u lumin kalsoonida shacabku uu ku qabo xisbiga kulmiye.

muuse biixi waxa uu soo maray marxalado siyaasadeed oo kala gadisnaa waxaanay marar badan is khilaafeen madaxwayanaha somaliland intii aanu dalada dalka ku guulaysan ee uu ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye. madaxwayne siilaanyo waxa uu qiray in marar badan oo la dhex galay xalka khilaafkooda inuu muuse biixi yahay qofka garta heli jiray mar walba.

sidaa dardeed muuse waxa uu ahaa mustanbeedka guushi xisbiga kulmiye gaadhay, waxaanu kaga duwanaa siyaasiinta kale ee kulmiye ee xilalka wasiirnimo ka qabtay xukumada madaxwayne siilanyo inuu ku eega hogaanka xisbiga. halkaasi oo marar badan la isku dayay in meesha laga saaro balse aanay suuro galin oo ay badbaadisay bisaykiisa siyaasadeed.

Gntii Iyo gabogabadii Hanka gudoomiye muuse biixi waa mid leh hiigsi cad oo heerkiisu ka sareeyay wasiirnimo iyo wax la mida. waana hogaamiye hanan kara hogaanka dalka.

Wa bilaahi tawfiiq ….

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga kulmiye ee Germany  

Abdirisaaq Ahmed abdillah (Baabaco)

News Related