Gabiley (GNO)October-19-2015-Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Shiine, ayaa weerar afka ah ku qaaday wasiirada gobolkaasi ka soo jeeda oo uu sheegay inay masuuliyiinta gobolkaasi ka doonayaan lacago ay jeebka ku shubtaan. Waxa uu Maayarka iyo masuuliyiinta kale ee gobolka ku ammaanay inay yihiin kuwo adag oo iska caabiyay wasiiradaasi. Waxa eedahaasi isla goobta kaga jawaabay wasiirka warshadaha Shucayb Maxamed Muuse.
Masuuliyiintan ayaa ku kulmay munaasibad lagu maamuusay ciyaartoyga Gabiley, waxaanu badhasaabku ku booriyay maamulka gobolka inay isku duubnaadaan, isagoo iftiimiyay in wasiiro doonaya masuuliyiin ay hanti ka helaan ay doonayaan in la bedelo masuuliyiinta gobolka ee wasiirada u jajabnaan waaya.
Eedahaasi waxaa ka jawaabay wasiirka warshadaha oo ku dooday inaanay jirin cid faro galin ku haysa maamulka heer gobol ee Gabiley. Waxa uu ku dooday in wixii maamulku wanaajiyaa yahay wax u wanaagsanaaday gobolka wasiiradu ka soo jeedaan.