argey,October 21,201(GNO)-Afada madaxweyne Siilaanyo ayaa intii ay soo noqotay dibadda cadho kula dhacday rag ka mid ah kuwii ay isugu dhadhawaayeen ee indho la’aanta iyo dhago la’aanta ku difaaci jiray qasriga madaxtooyada kuwaasoo kala ah gudoomiye-ku -xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamad Cadde, xildhibaan Nacnac iyo siyaasi Cabdul-kariim Xinif.
Marwada madaxweynaha ayaa sida la sheegay inay siyaasiyiintan ku eedaysay inay iyada ka raaceen oo ay la safteen xidhibaan Waabeeye oo isla markaana ah gudoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga Kulmiye kaasoo ay Aamina Waris ka dhaadhacsantahay inuu ku jiro shirqool lagu kala jabinayo xisbiga Kulmiye si uu doorashada madaxtinimada dalka ee soo socota ugu guulaysto xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.Mr Waabeeye ayaa ah xidhibaanka kaliya ee xisbiga Kulmiye ka tirsan ee laga soo doortay deegaanka Oodweyne ee uu ka soo jeedo.