Published:

Hargeysa(GNO)October-27-2015- wasiirada iska casilay xukumadda Siilaanyo, ayaa ku dooday in madaxweyne Siilaanyo habeen hore bedelay mawqifkiisii loolanka Kulmiye uu dhexdhexaadka kaga ahaa. Wasiirka caddaaladda oo u hadlay wasiirada ayaa sheegaya in madaxweynuhu garabka saaray Muuse Biixi oo hore si aan lagula tartamin loogu wareejiyay guddoomiyenimada Kulmiye.

 

“Xisbiga Kulmiye in muddo ah ba tartan baa ka dhex socday loogu tartamayo jagooyinkaas musharaxiinta iyo hogaanka golaha dhexe dhexdiisa. Musharaxiin doora ayaa jiray, intaaba madaxweynuhu ka dhex buu ahaa, arrintaas ilaa xalay waxbaa ka soo kordhay, mawqifkii madaxweynaha ee dhexda ahaa ayaa isbedelay, oo madaxweynuhu wuxuu u jandjeedhsaday guddoomiyaha xisbiga uu hore ugu wareejiyay ee uu naga codsaday inaan lagula tartamin  ee aniguna aanu sidaas kaga aqbalay,” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.

 

Wasiirka oo la waydiiyay waxay ku diidan yihiin in madaxweynuhu taageero cid gaar ah wuxuu yidhi  “ Mayee wuu yeeli karaa sidaas, madaxweynuhu horena uma odhan ilaa imikana ma odhan tartanka waan ka hadhay, ee fagaaraha wuxuu ka odhan jiray musharax baan ahay, anaguna  waxaanu ahayn raggii musharaxnimadiisa waday intii guddoomiyaha xisbigu lahaa ha igula loolamo. Markaa waxay u muuqataa madaxweynuhu inuu musharaxnimadiina ka hadhay, garabyadii samaysmayna uu ka badhay dhinicii la garabka ahaa oo uu dhinicii kale u wareegay. Markaa anagu waxaanu dibadda uga baxnay xukumaddii, si madaxweynaha haddii aanu kala aragti noqono aanu xukumaddii dibadda uga baxno oo nagoo golihii dhexe ah ciddaanu taageerayno si xor ah u taageerno.”

 

Wasiirka oo la waydiiyay in garabka Muuse ka taageero batay ayaa ku dooday sidan “Golihii dhexe ee afarta boqol ahaa Muuse Biixi Ma Sharixin. Muuse Biixi isagaa is sharaxay oo is sharaxaadu waa shakhsi, afarta boqol ee golaha dhexena qof waliba cidduu doono ayuu siinayaa, waxaa jira saddex musharax oo kale oo jagada madaxweynaha kula tartamaya, mid walibana dad buu haystaa, waanay u furan tahay inay isku biiraan oo mid ku midoobaan, taasna waxaa la arki doonaa marka goobta lagu kala badiyo. Cidda meesha cidlada ah fadhidaa waa cidda hadalkii madaxweynuhu Madaarka ka yidhi ee uu ku yidhi dhex baan ahay cidda bedelaysa.”

 

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in tobaneeyada wasiir iyo musharaxiintaba ay go’aanka noqotay inay banneeyaan kuraasta dawladda,islamarkaana iyagoo madaxbanaan taageeradooda iyo aragtidooda muujiyaan, iyagoo wali rajo ka qaba tartan ka dhaca shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

News Related