Hargeysa(Ramaas)October-21-2015- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo dorraad dalka ku soo laabtay ayaa durba bilaabay kulamo uu la yeelanayo garabyada xisbiga Kulmiye u kala jabay, kuwaasi oo uu ku raadinayo xal la iskugu soo dhaweeyo dhinacyada.
Madaxweynaha ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo hogaaminaya aqlabiyadda hogaanka Kulmiye, waxaana raacsan Maxamed Kaahin Axmed guddoomiye xigeenka koowaad, Cabdiraxmaan Saylici guddoomiye xigeenka 4-aad iyo xogyaha guud iyo sidoo kale Jaamac Shabeel oo wali hogaaminaya golaha dhexe.
Kulankaasi war rasmi ahi kama soo bixin balse xogaha laga helayo ayaa sheegaya in madaxweynuhu Muuse Biixi ka dhegaystay warbixin ku saabsan xaaladda xisbiga Kulmiye galay iyo sidoo kale doodihiisa ku aadan arrimaha la isku hayo.
Sidoo kalena siday tilmaameen xogo wargeyska Geeska Africa ka helay ilo uu soo xigtay wuxuu maanta Madaxweynuhu kulan la yeelan doonaa musharaxiinta kala ah Maxamed Biixi Yoonis iyo xildhibaan Kijaandhe oo ay weheliyaan guddoomiye xigeenka 2-aad ee kulmiye Xildhibaan Waabeeye iyo kuxigeenka saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo sidoo kale guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo kuxigeenka labaad ee wakiilada Dr Cali Yuusuf. Waxaa kulankaasi lagaga hadli doonaa arrimaha lagu muransan yahay.
Xisbiga Kulmiye ayaa isku haya arrimo ay ka mid yihiin cida leh awooda bixinta kaadhadhka golaha dhexe, hubinta xubnaha golaha dhexe iyo guud ahaan maamulka qabanqaabada shirka lagu dooranayo musharaxa xisbiga ee loo asteeyay 10 November.