Guddiga anshaxa ee FIFA ayaa ku taliyay in shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyo madaxa hay’addaasi Sepp Blatter.
Guddiga waxaa uu ku taliyay in muddo 90 maalmood ah shaqada laga joojiyo Blatter.
Blatter ayaa horey u sheegay inuu shaqada ka tagi rabay sanadka danbe horaantiisa.
Xeer ilaaliyayaha guud ee Switzerland ayaa ku furay baaritaano musuqmaasuq Sepp Blatter bishii hore kadib markii xabsiga loo taxaabay toddobo sarkaal oo sare oo ka tirsanaa xiriirka FIFA.
Garsoorka Maraykanka ayaa waydiistay dowlada Switzerland inay gacan ka siiso baaritaanka musuqmaasuqa ku saabsan ee la xiriira FIFA.