Xasan Axmed Yuusuf, Yuusuf Maxamed Axmed, Cabdirasaaq Maxamed Siciid Gees, Axmed Xuseen Liibaan, Saleebaan Daahir Maxamuud, Cabditafaax Maxamed Cabdiraxmaan, Jawaahir Maxamed Ciise, Sheekh Axmed Xaaji Aden, Umalkhayr Yaasiin Ismaacil, Cabdinaasir Faarax Sugaal, Nuura Faarax Cawad, Asma Cismaan Cabdi, Cumar Rooble Cidheere, Cabdi Axmed Golleh, Ismaaciil Xuseen Axmed, Cabdinaasir Axmed Xuseen, Xamda Axmed Cabdi, Hoodo Cabdi Xuseen, Aasiya Cumar Aden, Niciima Axmed Ibraahim, Deeqa Qaasim Sh Yuusuf, Hodan Axmed Cismaan, Cabdirasaaq Axmed Cali, Liibaan Yuusuf Cali, Maxamed Cali Cartan, Xasan Faarax Qamaan, Niciima Cabdirasaaq Maxamuud, Cabdillaahi Faarax Yuusuf iyo DHAMMAAN madaxda waaxaha, saraakiisha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxay hambalyo kal iyo laab ah u dirayaan Wasiirada uu Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorshaynta Qaranka & Horumarinta JSL.
Waxannuu soo dhawaynaynaa Wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka & Horumarinta JSL immikana loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire. Waxannu leenanay hambalyo ku soo dhawoow Wasaarad kale oo ahmiyad weyn u leh qaranka JSL.
Sidoo kale, waxannu hambalyo kal iyo laab ah u diraynaa Wasiirka loo magacaabay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka & Horumarinta JSL Danjire Cali Xuseen Ismaaciil Jirdeh (Cali Shoombe) oo gaar ahaan isagu ka tirsanaa masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL isagoo ahaa Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Kenya.
Waxannu Ilaahay uga baryaynaa inuu labada masuulba u fududeeyo xilalka cusub ee Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay.
Allaa Mahad Leh
Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation
Head Office: Hargeisa, Republic of Somaliland
30th Oct, 2015