Hargeysa (Haldoornews): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismail Saylici ayaa kulan balaadhan maanta xafiiskiisa kula yeeshay Hogaanka Sare ee Dallada SONYO kullankan oo ujeedadiisu aheyd gudbinta warbixin ku saabsan Socdaalkii Xubnaha SONYO ay ku soo mareen gobolada iyo degmooyinka dalka.
Gudoomiyaha Dallada SONYO Siyaad Cumar Cali oo halkaasi ka hadley ayaa u mahad caliyey Madaxweyne ku xigeenka kulankaasi uu la yeeshay waxaanu ka xogwaramey ujeedada Kulanka Waxaanu yidhi:-
Ujeeda kulankani waxay tahey in aan xog-waraysi aanu u gudbino xukuumada Isagoo ka hadlaaya ujeedada socdaalkii ay ku soo mareen dalka waxa auu yidhi:-
Socdaalkayagu waxaa uu ahaa in la ogaado baahiyaha kalla duwan ee Dhallinyarada Somaliland min Degmo ilaa Gobol waxaana ku soo marney 15 degmo oo ka tirsan Somaliland sidoo kalle waxaanu dhallinyarada kala hadleynay sidii ay iska ilaalin lahaayeen dhibaatooyinka dhallinyarada haysta sida Tahriibka , Qabyaalada Iyo Balwadaha xun xun.
G/ku-xigeenka Dallada SONYO Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo halkaasi ka hadley ayaa isna Yidhi {waxaan kaaga mahad naqeynaa kulanka aad xafiiskaaga nagu la yeelatay waxaynu ognahey in bulshada Somaliland 75 % Dhallinyaro yihiin SONYO ahaan waxaanu u heelanahey sidii Dhallinyaradaasi loo jihayn lahaa dhibaatooyinka dhallinyarada haysta sida shaqao la,aanta iyo Tahriibkana looga saari lahaa.
Agaasimaha Fullinta ee Dallada SONYO Siciid Maxamed Axmed oo isna kulankaasi Madaxweyne ku-xigeenka la yeesheen ka hadley ayaa yidhi:-waxaan ku faraxsanahey in aad kulankan qiimaha badan nagu soo dhawayso warbixintan aanu ku soo gudbiney waxay ka turjumaysaa Baahiyaha kalla duwan ee dhallinyarada Somaliland manta ubaahan yihiin waxaanan jecelnahey in Guddi loosaaro hawshaa fullinteeda adna aad lataliye nooga noqoto isha allah.
Xoghayaha Golaha sare ee dallada SONYO Xamda Maxamed Xuseen Cigaal oo sidoo kalle Madashaasi ka hadashey ayaa ka warantay doorka firfircoon ee SONYO ugu jirto dhallinyarada Somaliland.
Sidoo kalle waxaa isna madashaani ka hadley Xil.Faysal Cumar Madar Iyo Xil.Cabdicasiis Siciid Saalax oo ka mid ah golaha sare ee dallada SONYO.
Ugu danbayntii waxaa madasha ka hadlay M/kuxigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa yidhi:- aad ayaa ugu mahadsan tihiin waxa Madasha ka muuqda inaan xil wayn isa saarteen Hawl wacana aad soo qabateen maasuuliyadii Dhallinayarda somnaliland aad dusha uridateen oo aad isku daydeen inaad soo ogaataan Xaaladahooga oo aad xogogaal unoqotaan oo aad gaadhaan degmooyin kalla duwan ee dalka. waxaana la idhi qofka in hawl loo diro waxaa ka muhiimsan in isagu is diro sidaa Daraadeedna waxaa soo dhawaynaynaa hawshaasi waxaan kalle oo aan isha allah Akhrisanaynaa Warbixintan aad soo gudbiseen iyadoo aynu ognahey in wadankeenu uu yahey wadan curdin oo waxaa Laqaban karaa uu yaryahey hadana waxaanu diyaar u nahey xukuumad ahaa in waxkasta oo Hawlahaasi dhallinyarada aan ka qaban karno ka qabano isha allah.
Kulankaasi oo qaatey muddo ayaa ugu dambayntii ku dhamaadey guul.
ç