Maamulka Degmada Togwajaale xadhig u gaystay wariye khadar cabdi cabdilaahi ka hawl gala dagmada
anagoo ah bulshaweynta ku dhaqan dagmada Tog wajale waxaanu ka xu nahay xadhiga loo gaystay saxafiga wayn ee Khadarcabdi cabdilaahi (khadardhaylo) oo lagu xidhay saldhiga dagmada Tog wajaale oo la sheegay inuu xadhigiisa ka danbeeyey Gudoomiyaha xoghayaha fulinta dawlada hoose iyaga oo u adkaysan kari waayey warbixino dhab aha oo uu bulshada ugusoo bandhigay mareegaha bulshadu afkaarta isku waydaarsato wariyaha oo sitoosa ugu soobandhigay in anshaxa xumo iyo dhaqanxumo ay ku soo kordhiyeen magaalada uyaga oo hantidii umada u adeegsanaya inay kusoo kiraystaan fanaaniinta xidigaha Geeska loguna tumo musickada hudheelka ay magaalada ka dagan yihiin iyagoo ugu tamashle taga daanta shishe ee ethiopia si ay ugu soo caweeyaan huteelada waaway ee ku yaal iyada oo mararka qaar bulshadu aragto iyaga oon xiskoodu dhanayn balse waxgaradka reer tog wajaale ka biyo diideen ugana baaqay xukuumada inaywax kaqabato balse wali loo dhegtaagayo talaabada ay qaado dawladu sikastaba ha ahaatee xadhigan wariyaha oo aan loo marin xadhigiisa sifihii sharciga ah ee dalka uyaala kaasi laga xishoodo waxaa la yaable masuuliyiin xil qaran haya inuu ku tacadiyo wariye gudanaya xilkiisii wariyonimo iyo shaqadii uuumada uqaabanlahaa hadaba hadaanu nahay waxgarad dagmada togwajale waxanu canbaaraynaynaa xadhiga lagula kacay wariye waajibaadkiisii gudanaya waxaanu sigaara u dhaleecaynaynaa Gudoomiyaha xoghayaha markii uu wajibaadkoodii gudan kariwaayeen inay ku rafataan wariyaha madaxa banaan ee ka hawl gala dagmad hadaba hadaanu nahay bulshada Gobolka Gabiley waa in sida ugu dhakhsaha badan loo sii daya wariye khadar cabdi cabdilaahi (khadar dhaylo) oo ka hawlgalayey warbaahinta madaxa banaan waa in si dhakhso ah xoriyadiisina loo soo celiyaa raali galina laga siyaa
Published:
muuse cabdiraxmaan cali
mustaf abokor
ilyaas maxamed buulbul
c/raxmaan nuux xuseen
cawke axmed faarax