SIILAANYO-na ma aha RIYAALE


Nin baa beri Xaaskiisu (Afadu qabay) ay legedday, markaasaa la weydiiyey oo lagu yidhi waar sidee wax u dheceen?
Wuxu yidhi 3 baa isku key-raacay
1. Anigoo si xun u taagnaa 2. meeshoo sibibixasho ahayd 3. iyo iyadoo (waa xaaskiise eh) sabbaaxadda taqaanay.
Xisbigii UDUB saddex arrimood baa isku raacay oo uu ku baaba’ay, oo saaxadda Siyaasadda kaga baxay.
1. Doorashadii Madaxtooyada oo uu ku dhacay (xukunkii dalka oo lagala wareegay)
2. Hoggaan la’aan, oo Guddoomiyihii Xisbiga oo dalka ka googoostay (ka dhoofay)
3. iyo ururaddii oo dib loo furay oo tartan cusub la galay.
Markaa saddexdaa arrimood midna KULMIYE may qabsan oo kuma dhici mana hayso xisbigan.
1. Waa xisbul xaakimka hadda Dalka ka taliya
2. Guddoomiyihii Xisbiga iyo weliba Aasaasihii iyo Odeygii xisbiga ayaa jooga.
3. ma dhawa wakhti ururo loo tartamo oo xisbiyada dib loo furo.
Markaa waxan aaminsannahay in aan Xisibiga Kulmiye aan maanta loo baqayn, sida ay ragga qaar ku tiraabayaanna aan xaalku noqonayn.
Dhanka kale waxaan qabaa ma dhici karto in ragga haatan ku loolamaya madaxtinimada Xisbiga KULMIYE mina haddii tartanka laga guulaysto in uu xisbigiisa ka tegi doono oo xisbi kale ku biiri doono, waao ma jiro xisbi kale oo haddii uu ku biiro ogolaanaya inuu ka dhigto murashax Madaxweyne, sidaa awgeed wax uu ka dheefayo oo dan ah oo ugu jiraa ku biiritaanka xisibi cusub ma jiro. Oo waa tii hore loo yidhi
” Nin geel ka tegay oo geel kale raacay, muxuu morodhsaday? waxay jawaabtii noqotay, wuxuu korodhsaday HASHAA MAGACEED.” Taas oo macnahii looga jeedo wuxu korodhsaday barasho cusub iyo meel uuu qariib ku noqdo oo uu gunta ka soo bilaabo.
Runtii Afarta murashax ee tartamayaa waa niman culus oo sharaf bay u tahay Xisbiga in rag tiradaa ah oo hankoodu heerkaa gaadhsan yahay laga helo Xisbiga KULMIYE.
Waana heer aad u sarreeye oo dimuqraadiyaddii KULMIYE gaadhay.
Waxan kula dardaarmayaa murashaxiinta iyo kaadiriinta Xisibiga in aan arrinta la cuslayn
oo laga dhigin sidii aad murashax xisbigi kale ah aad la tartamaysaan oo gantaalaha cul-culus
ee riddada dheer la isku garaacin ee wax iskula hadha, hadalada XANAFTA lehna la iska dhawro.
Waayo maanta haddii kooxdaada mid ka dhaawacmo berri kuuma ciyaari karo.
Sidoo kale murashaxiinta Xisbiga Kulmiye waxan leeyahay oo kula dardaarmayaa
“ha isku talax tegina, xarragada haka tegina. Tartama oo si sharaf leh oon xagxagosho lahayn u tartarma”.
Ugu dambeyn waxaan Salaadiinta iyo culumada kula talinayaa in ay arrintaa dhex ka ahaadaan, waxana xusuusin mudan in tartankani uu dhexyaallo golaha dhexe ee xisbiga oo cidda keliya ee codaynaysaa waa GOLAHA DHEX.
Waa billaahi Tawfiiq
Cali Xaruuri
Rotterdam, Holland
Adam.32@live.nl