Published:

  1. Khilaaf ka bilaabmay Qaban-qaabada shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye, sadex Musharaxa iyo qayb hogaanka Kulmiye ah oo Saylici ka dalbaday in uu joojiyo awood maroorsi ay u adeegsanayaan shirka

    Waxay ku amreen inay ka noqdaan go’aanka ay ugu yeedheen xubnaha Golaha Dhexe, haddii kale ay samaynayaan talaabo ku Lidi ah

    Guddida fulinta Xisbiga Kulmiye oo kulan deg deg ah xalay ka yeeshay talaabada ay Muuse Biixi iyo Saylici ugu yeedheen golaha Dhexe

    Hargeysa(GNO) khilaaf hor leh ayaa shalay ka aloosmay talaabo uu Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye warbaahinta uga tabiyey xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye isagoo ugu baaqay in ay bilaabmi doonaan kaadhadh qaadashada shirka Golaha Dhexe, kuwaas oo uu ku xidhay inay keenaan xogtooda isla markaana sawiro laga qaadi doono.

    saylicTalaabada uu Xasan Siciid Shaaciyey ayaa dhalisay in sadex musharax iyo qayb ka mid ah hogaanka sare ee Kulmiye ka xanaaqaan, waxaanay shalay gurigiisa Jilbaha is dhigeen Madaxweyne ku-xigeenka iyagoo ka dalbaday in uu joojiyo baaqa Golaha Dhexe oo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo ay garabkoodu ku tlaabsadeen, isla markaana waxay hor dhigeen inay tahay sharci daro abuuraysa kalsooni daro xiisad hor leh xisbiga ka dhex aloosi karta.

    Sadexda Musharax iyo xubnaha hogaanka ah ee isku garabka ah ayaa Madaxweyne ku-xigeenka ugu hanjabay haddii uu joojin waayo talaabada ay isaga iyo kooxdiisu ku dhaqaaqeen inay garab ahaan ka tashan doonaan isla markaana uu xisbigu si weyn ugu qaybsami doono arrintaas, taasoo keeni doonta cawaaqib xumo uu masuuliyadiisa qaado.

    Wararka xog ogaalka ah ee ka soo baxay kulankaas ayaa sheegaya in uu Madaxweyne ku-xigeenku arrintaas garawsaday, isla markaana uu joojinayo, hase yeeshee ilaa hada lama hayo war cad oo ka soo baxay, waxaanay taasi keentay inay guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo u badan garabka ka soo horjeeda Saylici iyo Guddoomiyaha Kulmiye ay xalay shir deg deg ah isugu yimaadeen, iyadoo la filayo inay qaataan go’aan ka soo horjeeda kooda. Kulamadan ayaa ka dhashay baaq uu xoghaya guud isugu yeedhay Golaha Dhexe, waxaanay u muuqdaan kuwo dhaliyey dareen ah in la garab ka mid ah garabyada

News Related