Published:

Aniga oo aan ka xumayn inuu prof: geedoole isku soo sharaxo jagada madaxweyne ku xigeenka hadana waxaad moodaa inuu waxoogaa yara garamarsanyahay siyaasada ama shaxda siyaasadeed ee dalka somaliland kajirta.

Qofku markuu wax doonaayo waa inuu hareerihiisa eegaa kadibna ku dhawaaqaa wuxuu doonaayo markaa waxaan u maleynayaa wasiir geedoole malaha ma eegin hareerihiisa,dabadiisa waxa kadambeeŷa iyo waxa hortiisa jooga muu eegine wuxuu ku dhawaaqay sidii wax indhola.

Prof: geedoole waxaan odhanlahaa reer xamarku waxay ku maah maahaan ka fiirso intaadan falin,markaa waxaan ku odhanlahaa waad ku deg degtee ee ka noqo imika ayaad dhawdahay waayo?reerka aad tahay ma qaybsami karo boqolkiiba boqol waxay taageersanyihiin Ahmed muumin seed oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga wadani.

Wasiir geedoole ma waxaad isku halayneysaa wasiir Xirsi oo aad meel walba aad ka tidhaahdo seedigaybaa ii nool waligay maan maqal nin ku faana gacalkii adiga ka hor ee ayaanu ku waalin xirsi gaab waxba kuuma qabankaree.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

News Related